Wednesday, June 26, 2013

Berbera: Laba qof oo Maydkooda laga Helay Deegaanka Biyo-Kulule iyo Heer kulka oo Sareeya


Berbera(GNA)-Laba qof ayaa ku dhintay Deegaan Xeebeedka Biyo Kulule oo Hilaadii 10KM u jira Magaalada Berbera.




Laba Marxuum ayaa kala aha Wiil iyo Aabbihii, waxaana la sheegay in maydkooda  laga helay halkaasi shalay, laguna aasay isla deegaankaasi maanta.




Labada Marxuum ayaa la sheegay in Maydkoodu  halkaasi yaalay mudo dhawr maalmood ah, isla markaana  dad Reer Miyi ahi soo sheegeen Dhimashadooda.




Goob-joogayaal ku sugan Deegaanka Biyo-kulule, ayaa Gobanimonews u sheegay in labada Ruux loo malaynayo inay ku dhinteen Heer kulka Deegaanka oo aad u sareeya, laakiinse aan wax nabaro ah oo muujinaya in la laayay ka muuqan.




Ma jiro wax war ah oo ka soo  baxay Maamulk a Gobolka iyo ka degmada Berbera oo la xidhiidha dhimashada laba Ruux , balse  Dad aqoon u leh Deegaan xeebeedkan ayaa Gobanimo u sheegay inaan xiligan la tegin Deegaankaasi,Heer kulka oo aad u sareeya, isla markaana ay madnuuc tahay tegista Biyo-kululeBisha May ilaa bisha September ama Xiliga Xagaagu baxo.




Deegaanka Biyo-kulule ayaa loo tagaa xaalad caafimaad oo Dabeeci, waxaana laga helaa Biyo iyo bi’o ka daawo ah Xanuunadda Jidhka saameeya, Hawadda, waxaana dadka Jinku galo loo geeyaa Dabiib Caafimaad, sida ay noo sheegeen dadka aqoonta dheer u lihi.




laba qof ee Maydkooda laga helay, ayaa dadka qaar sheegeen inay socoto ku yimaadeen, laakiinse lama cadayn meesha ay ka yimaadeen, walow loo malaynayo inay hargeysa ka yimaadeen.




Gobanimonews




Berbera office