Wednesday, June 26, 2013

Burco: Dadweynaha oo ka Dooddaya Isku Shaandheynta Madaxweyne Siilaanyo iyo Aragtiyaha ay ka bixiyeen







Burco(GNA)-Dadwaynaha Reer Burco ayaa dareen kal duwan ka bixiyay isku saandhayntii madaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland ku sameeyay Golihiisa Wasiiradda.




Dadka qaar ayaa soo dhaweeyay talaabada madaxweynaha, qaarna way dhaliilsanyihiin.




“isku shaandhayn tani maaha wax suuro gal ah waayo wax waliba waxay ku wacanyihiin koobnaan ta iyo tayada Tusaale ahaan Wasaaradda macdanta iyo biyaha waxaa loo kala saaray hab qancineed  mida kale iyadoo ardaydii ay shaqo la’aan u tahriibayso ayaa wasiiro ciidaa ka badan oo aan waxba qabanayn dhaqale iyo bajad loo samaynayaa”sidaasi waxa yidhi C/fataax Bashiir oo ka mid ah Ardayda wax ka barata Jaamacadda Burco.




 Waxaanu intaasi ku daray “waad ogaydeen oo Baar lamanku waxa uu ansixistay boqlaal kun oo markay xilka ka tagaan sii qaadanayaan lacagtaasi warshad yar bay dalinrada u goyn lahayd oo shaqo uga soo baxdo”.




Siciid oo ka mid ah Dhalinyarada Gobolka Togdheer , ayaa sheegay “Wasiiro Badan oo muhiim ah waa la eryay qaar aan u qalmina waa la daayay qaar badan oo kale lama taaban”.
Eng. Maxamuud Maxamed Ciise oo ka mid ah Aqoonyahanka gobolka ayaa isaguna sheegay “waxaan u arkaa inaanay  miisanayn oo wax dheeli tiran aanay ahayn Marka loo eego qabka beelaha oo u qaybsan beelo la taabtay oo kuraastoodii waayay iyo qaar aan la taaban”.ayuu yidhi .




Eng.Maxamuud ayaa intaasi ku daray, isagoo dhaliilaya badnaanta wasiiradda Xukuumadda “waa wixii uu dawladii ina riyaale ku maagi jiray wasiiru dawlayaashan faraha badani ee uu magacaabayaa”.




Si kastaba ha ahaatee Doodda ay Reer Burco ka bixinayaan isku dhaandheyntan, ayaa u badan mid boqolkiiba sagaashan lagu dhaliilayo dhinaca isku dheeli-tirnaanta Wasiiradda iyo deegaamada ay ka soo jeedaan, taasoo ay dadka qaar leeyihiin waxa la magacaabay laba wasiir oo isku deegaan ah, halka kuwo kale oo saami qaybsi la lahaa meesha laga saaray, taasina ay luminso xuquuqdii guud ee bulshada.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office