Wednesday, June 26, 2013

Wasiir Cukuse wuxuu Beyaamiyay inuu Dhegeysanayo Doodda Saaxafadda






Hargeysa(GNA)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir, ayaa ka hadlay cilaaqaadka uu la yeelan doono saxaafadda madaxa banaan ee dalka.




Wasiirka Warfaafinta oo galabta u waramayay Somaliland.Org, waxa uu ka hadlay dareenkiisa ku wajahan xilka Wasiirnimo ee looga dhigay wasaaradii uu Wasiir Ku xigeenka ka ahaa, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Walaahay Dareenkaygu wuu wanaagsan yahay, awalba ka mid baan Golaha Wasiirrada oo xubin baan ka ahaa, Wasaaradda Warfaafintana waan joogay, laakiin waxaan ku faraxsan nahay in xil, xilkii ka culusna la ii dhiibay. Waa masuuliyad I fuushay’e waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu masuuliyadda igu asturo.”




Wasiir Cabdilaahi Cukuse oo aan weydiinay sida uu ula shaqayn doono saxaafadda madaxa banaan waxa uu yidhi “Saxaafadda ka mid baan ahaa, kamid baanan ahay, waxaan ku dedaalayaa saxaafadda dawladda iyo ta madaxa banaanba inta waajibkeena ah wixii igaga beegan koriinkooda iyo gacan qabashadooda, midayntooda iyo wacyigelintoodaba inaan wax ka qabto intii awoodayda ah ayaa iga go’an.”




“Waxaynu yeeli doonaa inaynu isu wada nimaadno oo iyagana (saxaafadda) aynu dhegaysano oo dabadeedna aynu noqono kuwo mihnadda saxaafadda sharafteedana dhawra, qawaaniinta iyo shuruucda dalka iyo dawladnimaddana ixtiraama, bulshadana ka caawiya dhinacooda horumarka ay bulshadu baadi goobayso,”ayuu yidhi Wasiirka cusub ee Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta.




Wasiirka oo la weydiiyay inuu wax ka tilmaamo qorsheyaasha uu ugu tallo galay inuu kaga hawl-galo horumarinta warbaahinta qaranka, waxa uu yidhi “Wasaaradu qorshaheedii sanadka ee u dejisnaa sidii ay u socotay ayay u wadaysaa, wixii kale ee duruufta iyo wada tashiyada wasaaradda dhexdeeda ka soo baxana waynu ku daraynaa waxaanan rajaynayaa inaanu guntiga dhiisha iskaga dhigno waayo dedaal ayaa ina faran.”