Saturday, June 29, 2013

AMISOM oo Garaacis iyo Xadhig isugu Dartay Col Cabaas iyo Bah-dilaada Saraakiisha Ciidanka somaliya oo sii Kordhaysa






Kismaayo(GNA)-Wararka ka imanaya Magaalada kismaayo ee xarunta Jubada hoose ayaa sheegaya in Abaan-duulihii Ciidamada dawladda ee Gobolka Jubadda hoose Ciidamada AMISOM iyo kuwa Raskaambooni inta ay garaaceen, gaadh qufulan ku qaateen.




Col. Cabbaas Ibraahim Gureey (CabbaasTalxe) oo ah Abaanduulaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ee Gobolada Jubooyinka kuna sugnaa Magaalada Kismaayo, ayaa laga qabtay Madaarka Kismaayo, waxaana loo geystay Jidh-dil aad u fool-xun, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay maareeyaha Garoonka laga qabtay  Carab Axmed Cali.




 Kooxda Raaskanbooni uu Hogaamiyo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Taliska AMISOM ayaa Col. Abbaas Abdi Gurey ku eedeeyay in uu qeyb ka yahay xiisadda ka jirta magaalada Kismaayo iyo in uu sameeyay amar diiddo.

lama Oga Ilaa hada meesha  lagu xidhay Sarkaalkan , waxaana jira warar sheegaya laga dhoofiyay garoonka Diyaaradaha Kismaayo loona qaaday dhinaca Dalka Kenya.




Maaha markii ugu horaysay ee Ciidamo ka tirsan Xoogaga AMISOM faro saaraan Saraakiisha Ciidamada Xooga soomaaliyeed, waxaase bishan Gudaheedii Ciidamo ka tirsan kuwa amisom ee Muqdisho u gaaraceen Taliyaha Bilayska Somaliya, xili ay kula kulmeen meel aan ka fogayn taliska Ciidanka Bilayska ee Magaalada Muqdisho.




Arintaasi ayaa markii ay dhacday warbaahinta somalidu si weyn u qaada dhigtay, waxaana lagu tilmaamay fool xumo inteeda le’eeg.




Ciidamada AMISOM ayaa loo keenay somaliya inay dawlada ka caawiyaan sugida amaanka guud ee dalka, waxaana inkasta oo taasi guul badan laga gaadhay, hadana soo badanaya Bahdilaada ay Askarta AMISOM kula kacayaan, saraakiisha Ciidamada dawlada somaliya, taasoo nusqaan ku keenaysa Yoolka ujeedadii loo keenay waddanka iyo xidhiidhka ka wada shaqaynta amaanka ee labada Ciidan.





Gobanimonews




Muqdisho Office