Tuesday, June 25, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Dib u Daawanaya Khudbadihii Cadiifadda lahaa ee uu Ololaha ku galay!






Hargeysa(GNA)-Dib u soo xigashada iyo soo bandhigida Balan-qaadyada ay Ololaha ku galaan Madaxda Mansabka ugu sareeya ee hogaaminta Bulsho ku hela codka Rayidka oo Cadaalad iyo bilaa turxaan loogu Haneeyay Kursiga, ayaa  ah arin ay dadku kolka dambe  Xaasaasiyad ka muujiyaan marka la soo hadal qaado, ama ka sheekaynteeduba muran iyo xiisad ka dhex hurisaa kuwa soo badhitaara Nidaamka Xukuumiga ah.




Waayo?waxa iska caadi ah in Maalinta uu Kursiga fuulo madaxweynahaasi marka uu ku dhawaaqo Golihiisa xukuumadda , dad badan oo Liiska iska waayay ay cadho kax la noqdaan, dabadeed Caloolyow iyo Ciil mudo Saaxadda kaga maqnaadaan, halka kuwo kalena laga yaabo in Isbedelka siyaasadeed ee ay abuuristiisa doorka ku lahaayeen si kale u saameyso, ka dibna taasi laabtooda ka maydho taageeradii ay u hayeen Hogaamiye laga yaabo inay Habeen iyo Maalin isku bixis ah u hanaynta codkooda Hurdada uga soomeen.




Somalida ayaa lagu tiriyaa Bulshooyinka ugu dambeeya dhinaca ku dhaqanka Dimuquraadiyada iyo Doorashada hogaamiye lagu xusho Karti, aqoon, waayo-aragnimo, dhexdhexaadnimo, Cadaalad, Maamul Wanaag iyo ka fayo qabka wax kasta oo Lid ku ah Higsiga la xukumaha go’aan qaadashada Kelida ah, aan lala wadaagin markii cid dooranayo.




halka Shacbiga Reer Iiraan tobanaan sano ka dib bishan gudaheedii go’aan ku gaadheen inay talada waddankooda u dhiibtaan Qof dhex-dhexaad ah oo aan Qabiil iyo qadiyad ku dhisan Falsadaha Dunida aan midna ku iman, iyagoo Isticmaalaya codkooda, (Hogaamiyaha Qunyar socodka ah ee Xasan Rohani), Kaasoo beesha Caalamku siyaasadiisa bogaadisay, balan-qaadyadiisii lagu doortayna durba loogu baaqayo inuu fuliyo.




Shacbiga reer Somaliland, ayaa ah kuwa ugu horeeya ee Maanta ku naaloonaya dal nabad-gelyo iyo Dimuquraadiyad  ku caano maalay oo dunidu isugu markhaati furtay, hadana dariiqa wax lagu doortaa maaha mid dadku wada mahadiyaan Mustaqbalka dhow, ee ku tirsan sanadaha xukunka look ala dego.




Boqolkiiba shan iyo sagaashan (95%) tiro lagu qiyaasi karo, oo ka mid ah Shacbiga ka qayb-qaatay Doorashooyinkii dalka ka dhacay, ayaa Qof kasta cod-bixintiisa ku saleeyaa laba arimood oo Daruuri ka ah halkan, kuwaasoo kala ah: Qabyaalad (Qof ay isku Reer yihiin, qaraabo yihiin ama Qabiilka guud ka dhexeeyo) iyo mid Qarash kaga iibsaday codkiisa.




Dadka labadan arimood midkood wax ku doortay waxay u badanyihiin kuwa aan Mahadin Maxsuulka sawdkooda, hadana ugu calaacal iyo cadho badan marka uu Madaxweynihii ay keeneen hortooda  soo Istaago, iyadoo dib u gocashada hadalkiisii shalayna ay badanaa kaga hal-celiyaan “Beenaale iyo hadalo kale oo Nacayb badani ka muuqdo”, waxaana la odhan karaa waxa jira kuwo markay calool Ololka Kooxahaasi arkaan, iyagoo ku qoslaaya, kuna jees-jeesaya dib u xasuusiya Xod-xodashadii lagu xaday.




Hadaba inkasta oo ay adkayd xiliyadii hore ama wixii ka horeeyay intaanay Warbaahinta Muuqaalku ku soo badan dalka in aragtiyaha ay isku diidaanyihiin labadan kooxood oo ah dib u soo noolaynta Sawirkii iyo sawdkii  Siyaasigii shalay qayb ka mid ah oo xiligan dhaliilsani maciisa ahayd, hada waxa la gaadhay wakhti Madaxweynaha iyo dadkii u cadeeyay dib loogu beyaaminayo axdigii ay wada galeen markii ay rabitaanka ka midaysnaayeen.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah Madaxweynihii labaad ee shacbiga Somaliland Wadar iyo Waaxid ku doorteen 26 bishii June2010-ka, ka dib sided sanadood oo lagu jiray Cahdigii Xukumaddii Udub, ahna madaxweyne ay Taageerayaashiisii saddex sanadood ka hor mucaaridad badanyihiin, ayaa fursad u helay in dib loo tuso dariiqii uu u soo maray hanashada hogaanka dalka , isla markaana loo maqashiiyo, loona daawadsiiyo balanqaadyadii uu Taageerayaahiisa ku guubaabin jiray.




Talaabadan oo marka xaqiiqiyan loo derso fursad dahabiya u ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo dad badan oo maciisa ahaa, laakiinse aanay hada Doonta siyaasada wada saarnayn dab aan Olol iyo qiiq toona lahayn ku shidaysa, ayaa  Muuq-baahiyaha  Muxaliga ah ee SOMALILAND SPACE CHANEL, mudooyinkan dambe si taxane ah u sii daynayay.




Mid ka mid ah Khudbadihii uu Fagaarayaasha Hargeysa Odaygu ka jeediyay intii lagu jiray Ololihii Doorashada Madaxtooyada ee uu Kursiga ku helay, oo uu si cadiifadaysan ugaga waramayo qorshihiisa siyaasadeed iyo marxaladii wadanka xiligaasi taalay, ayuu Telefishanku 24 Bishan June Daawadayaashiisa u baahiyay.




Waxaanu Khudbadaasi ku yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo ay Wajigiisa iyo jidhkiisaba ka muuqato Xamaasad siyaasadeed “Madaxtooyada Maanta waxa fadhiya ragii Hargeysa inagu Xasuuqayay ee u shaqaynayay Taliskii gubaysiga ahaa ee aynu dalka ka xoraynay, waa ayaan  daro, annaguna waxaanu nahay kuwii waddanka xoreeyay ee Naftooda u huray, raga halkan fadhiyaana waa kuwii idiin soo halgamay, waxaanay diyaar u yihiin inay wax idiin qabtaan oo ay ka shaqeeyaan horumarinta waddankeena iyo sidii looga midho-dhalin lahaa himiladdii aynu dalka u xoraynay”.




Isagoo la hadlayay Taageerayaal Xisbigiisa ka tirsan, waxa uu mar kale siilaanyo yidhi  “walaalayaal waxa Maanta dalkeena jooga Ciidamo shisheeyeah, xidhiidhkii wanaagsanaa ee Itoobiya inaga dhexeeyay iyo mid aynu caalamka la yeelano si waxay umaddani qabsatay loo iib-geeyo ayaanu doonaynaa oo aanu ka shaqaynaynaa(hadaanu Xisbiga Kulmiye nahay).




“Walaalayaal, waad aragtaan siday maanta yihiin Cisbitaalada waddanku, waad aragtaan Biyaha la’aanta dadkeena haysata iyo sida lacagtii Umadda loogu Isticmaalayo siyaasadda” – “Balaayiin lacag ah oo aynaan xisaabin Karin, ayaa maalin walba lagu isticmaalaa siyaasadda oo aan waxba loogu qabanayn shacbiga, annagu taasaanu dalka iyo dadka wax ugu qabanaynaa”.




Si kastaba ha ahaatee Dib u baahinta Doodii Madaxweyne Siilaanyo ee xiligii Mansab raadiska oo ay Taageerayaashiisu wali tabayaan wixii uu u balan qaaday, kuwii garabka iyo gaashaanka u ahaana qayb ka mid ahi wali Garoonkii uu Kursiga ku helay, Jiciirta kaga dhuuntaan, qaarkoodna beri hore tureen Kaadhkii Xisbinimada, ayaa isaga u ah buug Xasuuseed aan hawli kaga baxayn oo uu ka sixi karo wixii ka khaldamay hogaamintiisa.




Waa hadii uu uga faa’idaysto dhinaca saxda ah, looguna fasirin si Xiqdi iyo xumaani ku lifaaqantahay.




La soco qormooyin kale oo xaasaasiya….




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com