Thursday, June 27, 2013

Julia Gillard Haweenayda Ra’sul Wasaaraha ka aheyd dalka Australia oo iska casishay iyo Kevin Rudd Oo Xilkii Kala Wareegay;


(GNA) Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Australia haweenayda lagu magacaaboa Julia Gillard ayaa xilkeeda weyday kadib markii xisbigeeda Shaqaalaha (Labour Party) ay kalsoonidii kala noqdeen.
Ra’isul wasaaraha cusub ee Australia Kevin Rudd ayaa markale xilkaasi la wareegay, ninkaasi ayaa hore guul weyn usoo jiiday xisbiga Shaqaalaha doorashooyinkii sanadkii 2007 xiligaasi oo uu Mr.Rudd ka guuleystay xisbigii Muxaafidka. Balse Kevin Rudd ayaa xilkaasi waayey sanadkii 2010 kadib markii xisbigiisa xilka ka wareejiyey oo u magacaabay Haweenayda Julia Gillard oo muddooyinkii lasoo dhaafay xilkaasi heysay.
Julia Gillard ayaa markale xilkaasi weyday siduu hada kahor u waayey Kevin Rudd, waxaana muuqata in Kevin Rudd markale kursiga ka tuuray haweenaydan oo hada taageeradii ku lahayd dalka Australia oo uu hoos ugu sii dhacayey.
Isbedalka uu xisbiga Shaqaalaha ku sameeyey xilka Ra’sul wasaaraha ayaa u muuqda mid uu ku doonayo xisbigaasi inuu isku badbaadiyo doorashooyinka guud ee soo socda, maadaama codbixinta shacabka laga qaadayey illaa iyo hada ku horeeyey xisbiga mucaaridka ee uu hogaamiyo Tony Abbott kaasi oo loolanka ugu jiray inuu la wareego awooda dalkaasi.
Jullia Gillard ayaa qabatay shir jaraa’id oo ay xilka ugu sharaxday iney iska casishay maadama lagaga guuleystay kuraasta xisbigeeda shaqaalaha oo dib ugala laabtay kalsoonidi.