Thursday, June 27, 2013

Axmed Cabdi Godane oo la sheegay inuu Khaarajiyay Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan






Muqdisho(GNA)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xoogag taabacsan Hogaamiyaha Shabaab Axmed Cabdi Godane ay khaarijiyeen Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Ibraahim Afghan) oo Shabaabka gudihiisa looga yaqaanay Abuubakar Alzaylici iyo Macalin Burhaan, kuwaasoo Khamiistii la soo dhaafay howl gal qorsheysan lagu qabtay.





Bayaan dhawaan ka soo baxay Hogaamiyaha Shabaab ayaa lagu sheegay in kooxaha ka dambeeya kala dhantaalida Mujaahidiinta tallaabo laga qaadi doono, iyadoo ay xigtay howl galkii ka dhacay Baraawe oo ugu dambeyn uu ku soo baxsaday Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Ibraahim Afghan ayaa ahaa ninka labaad ee ugu sareeya Shabaab, sidoo kalena waxay isku Gobol ka soo jeedaan  Axmed Cabdi Godane, iyadoo dhawaan Ibraahim Afghan warqad uu u qoray Hogaamiyaha Al-Qaacida uu eedeyn u jeediyay hogaanka Shabaab.

War lagu qoray mid ka mid ah bogaga lagu taageero Shabaab ayaa xaqiijiyay in Arbacadii shalay Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla iyo mas'uuliyiin kale uu ku wargeliyay xaasaska Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan in la dilay oo ay qaadaan asayda, labadoodii Sayi.
Wararkan oo ah kuwa isa soo taraya ayaanan jirin cid xaqiijisay, waxaana tani ay keentay shakiga markii hore laga qabay xubnahan ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ee horay uga soo horjeestay Hogaanka Shabaab.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Mas'uuliyiintan ay la kulmeen hooyada dhashay Sheekh C/xamiin Xaashi Colhaye oo loo yaqaano Macalin Burhaan in wiilkeeda la dilay, sidaasi darteedn ka samirto sida lagu sheegay mid ka mid ah bogaga Islaamiyiinta.

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hogaanka Ururka Al-Shabaab oo ka hadlaya arintan , balse waxa cad inuu jiro khilaaf culus oo ka dhexeeyay hogaanka ururka Al-shabaab, kaasoo si weyn loo saadaalinayay inuu sababi karo in arintan iminka soo baxaysa.




Gobanimonews




Muqdisho Office