Wednesday, June 26, 2013

wasiirka ciyaaraha oo xeer jajab ugu kala qayey gaadhigii saddex gool dhaliye


maxaa lagu kala saaraa markay cayaaryahanada goolasha isku midka ah dhaliyey?




Waxaa mudo 21 cisho ka soconayey goroonka hargaysa stadium ciyaaraaha gobolada jamhuuriyada soamaliland  oo ay ka soo qayb galeen 13 gobol ay ka koban tahay 




Sida aynu lawada socono waxay shirkada wadiniga ah ee somtel ayaa sheegtay inay bixinayso gaadhi noociisu yahay crownka  oo ay sii nayso laacibka ugu goolaasha badan  oo ay iminka u sharaxan yihiin saddex laacib oo mind afar gool dhaliyey kuwaas oo kala ah





  1. Zikaawe(sanaag) 4 gool


  2. Abdiriyaad (maroodi jeex) 4gool


  3. Maxamed amiin (daad madheedh) 4gool




 Hadaba suaashu waxay tahay maxaa lagu kala saaraa marka laaciib ay isku goolal keenaan sida ay sheegayaa qaynuunka u yaal kubada cagta aduunka waxa lagu kal saraa marka ay isku goolal noqdaan labadabn shuruudood ee soo socda




 





  1. In la eego laacika goolashu uu saaxiibadii u baasay oo dhashy(assists)


  2. In la eego hadba kan wakhti yar ciyaaray(fewer minutes )




 




Hadaba haday labadaa shuruudood la raaco  aynu soo qaadano labo tusaale oo lagu kala saaray laacibiin isku goolal ah.




2010 world cup waxa isku goolal noqday dhowr laacib oo kala ah




1. Thomas Mueller (5 goals, 3 assists)




2. David Villa (5 goals, 1 assist)




3. Wesley Sneijder (5 goals, 1 assist)




4. Diego Forlan (5 goals)




 




Hadaba iyadoo ay sidaas tahay hadana FIFA waxay gudoonsiiyey laacibka reer Germany ee Thomas muller oo ay ku sii say isagoo ka goolal samayn badan saddexda laacib ee la tertamayey, waayo wuxuu dhaliyey 5 gool wuxuuna sameeyey 3 gool halaka david villa uu dhaliyey 5 gool wuxuuna sameeyey 1 gool markaas sidaas ayuu muller ku qaatay kabaha dahabka ah




 




 Aynu eego iminka qodobka labaad oo  laaciblka ugu wakhtiga yar




2012 European cup wax isku goolal iyo goolaal  sameenba  noqday dhowr laacib   oo kala ah





  1. Fernando Torres (Spain) 3 goals, 1 assist


  2. Mario Gomez (Germany) 3 goals, 1 assist




Hadaba maxaa lagu kala saaray ladadan laacib ee isku goolasha iyo samayntaba noqday?




Waxaa kabaha dahabka ah ku guulaystay laacibka reer Spain ee TORRES sabab too ah wuxuu ka yaraa minuteska uu ciyaaray marka loo eego Mario Gomez, marka koowaad waxay isku mid noqdeen goolasha ay dhaliyeey iyo inta gool ay baaseen oo dhashay, sidaas sharcigu yahay waxaa la eegaa qodobka  labaad oo ah ayaa waakhti yar ciyaaray  FERNANDO TORRES baa loo aqoon saday inuu ka wkhti yar yahay  Mario Gomez, sidaasna ku hantiyey kabaha dahabka ah




Wasiirka ciyaaruhu muxuu  usoo qaadan waayey  world cup 2010 iyo euro 2012 oo aynu labada kor ku soo xusnay, halka uu ka  soo qaatay world cup 1994 oo barigaa  aanay jirn shuruuc lagu kala saaro laacibinta isku goolasha ah




Waxa kale oo wasiirka ciyaaruhu ka sheegay xaflada inuu arkay laacib lagu siiyey goolal dhalinta hadba ka goolka hor dhaliya iyo kan goolka ku danbeeya  taasina maaha mid jirta,




Aynu kusoo noqono hargaysa iyo ciyaaraha gobolada sharciga caalamiga ahi uu siinayo  gaadhia ay bixisay shirkada somtel laacibka reer sanaag ee ZIKAAWE sababtoo ah kuu ka minutes yaryahay marka loo eego labada laacib ee uu la tartamayo  MAXAMED AMIIN IYO ABDIRIYAAD wuxuu ZIKAAWE ciyaaray  hal ciyaar iyo badh halka uu ABDIRIYAAD ciyaaray 7 ciyaarood MAXAMED AMIINA 6 ciyaarood,




Taasi waxay cadaynaysaa inaanay FIFA cidna waxba isla wadaajin oo ay leedahay shuruuc lagu kala saaro  laacibiinta,aad baan uga xumahay in wasiirka ciyaaruhu uu iska indha tiro shuruucda lagu maamulo kubada caalamka oo uu keeno xeer jajab  kaas oo uu ugu kala qaybiyey seddexda gool dhaliye gaadhigii ay bixisay shirkada somtel




 




 




Mubaarik A. Salah




063 4473390              




Mubaarik_2012@hotmail.com