Tuesday, June 25, 2013

Madaxweynaha Dalka Qatar oo xilka ku wareejinaya Wiilkiisa


(GNA)Amiirka dalka Qatar ayaa maanta (Isniin) kulan la yeelanaya qaar kamid ah Qoyska Boqortooyada Qatar iyo xubno ka socda bulshada Rayidka oo uu Amiirka dalkaasi kala hadli doono xil wareejinta Boqortooyada.
amiirka Qatar Shiikh Xamad bin Khalifa Al Thani, ayaa lagu wadaa inuu Boqortooyada ku wareejiyo wiilkiisa Shiikh Tamim bin Xamad Al Thani.
Shiikh Tamim Bin Xamad Al Thani ayaa ah dhaxal sugaha boqortooyada Qatar waana wiilka 4aad ee uu dhalay Amiirka dalkaasi, waxaana dhashay Xaaskiisa labaad oo lagu magacaabo Mosax bint Nasser Al Missned.
Weli lama shaacin wakhtiga ay xil wareejinta dhici doonto, Amiirka Qatar ayaa xilkaasi soo hayey tan iyo sanadkii 1995tii.