Saturday, June 29, 2013

Berbera: Biyo la’aan Baahsan oo soo foodsaartay Magaaladda, Dadka oo Dhanqalan ah Maanta iyo Kulaylka oo Saayid ah






Berbera(GNA)-Dadweynaha ku Nool Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa maanta biyo la’aani soo foodsaartay, ka dib markii 12 saacadood ee la soo dhaafay qayb ka mid ah Magaalada wax biyo ah Qasabaddaha laga waayay, Taangiyadii Biyaha lagu kaydsan jirayna Faaruqeen.




Biyo la’aanta, ayaa sababtay Haraad iyo Dhanqalan, waxaanay dadku si weyn uga walaacsanyihiin suurto galnimada in lagu sii jiro Xaaladan Biyo la’aanta ah oo khatar ku ah Nolosha Caadiga ah.




Qaar ka mid ah Hudheeladda waaweyn ee la seexdo iyo Goobaha Ganacsiga ayaa laga dareemayaa Biyo la’aantaasi.




“waa markii ugu horaysay ee ay Biyo la’aan noocan ahi nagu dhacdo intii aanu ku ganacsanaynay magaalada, hadii ay sidan noqotana waaba laga qaxayaa magaalada”sidaasi waxa gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Mulkilayaasha Goobaha Ganacsiga ee Magaalada Berbera  oo ka waramay Xaalada Biyo la’aanta ah ee a jirta Magaalada.




“Dadku maanta waxay iweydiinayaan sida loogu sii noolaan karo Berbera Maanta, Xaaladuna waa xaalad qalafsan, waxaanu eegaynaa sida arintu ku dambeyso”sidaana waxa yidhi mid ka mid Odayaasha Magaalada oo Gobanimo la hadlay.




Warar aanu helayno ayaa sheegay in saaka qayb ka mid ah magaalada uu ka dhacay  mudaharaad lagaga cabanayo Biyo la’aanta hase ahaatee Xaaladda ayaa ah mid aad u qalafsan oo halis ku ah Nolosha dadka iyo Duuniyada ku dhaqan Magaalada.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wakaaladda Biyaha ee Magaalada iyo Maamulka Gobolka toona oo la xidhiidha sababta dhalisay Biyo la’aantan,balse waxa jira warar sheegaya inay xumaadeen qaar ka mid Mishiinadda biyaha soo tuura ee Ceelasha Biyaha ee faro-deero.




 Noomay suurto gelin inaanu helno Saraakiisha Wakaaladda Biyaha oo aanu la xidhiidhnay si aanu arintan wax uga waydiino, gaar ahaan Maareeyaha Wakaaladda biyaha Cabdiraxmaan Cartan oo aanu Khadka telefoonka kula xidhiidhnay.




Xaafadaha ugu daran ee aanay dhawr iyo tobankii sacadood ee la soo dhaafay Biyuhu u soo dhicin waxa ka mid ah Xaafadaha dhinaca Koonfuurta Magaalada, iyadoo dhinaca Barigana laga soo sheegayo biyo la’aantasi.




Biyo la’aantan, ayaa ku soo beegmaysa xili Cimiladda Kulaylka ee Magaaladdu aad u kacsantahay, isla markaana lagu Jiro badhtamaha Xiliga Xagaaga oo ah wakhtiga ay Xeebuhu ugu kululyihiin.




Heerka Kulaylka ayaa Gaadhay labadii maalmood ee la soo dhaafay ilaa 47 Degree, taasoo hadii biyo la’aantani u raacdo Khatar nololeed keenaysa.




Si kastaba ha ahaatee biyo la’aantan ayaa hadii ay sii socoto saamayn ku yeelan doonta dhamaan Nolosha Magaalada, dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka socda iyo adeegyada aasaasiga ah oo ay Dekedda Magaalada ku taalaa qayb ka tahay.




Gobanimonews




Berbera Office