Friday, June 28, 2013

Franck Ribery Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Kooxda Horyaalka Yurub Bayern Munich.


Xiddiga garabka uga ciyaara Bayern Munich Franck Ribery ayaa qandaraaska cusub u saxiixay kooxda Jarmalka isagoo qalinka ku duugay heshiis afar sanno ah.




Ciyaaryahanka reer France oo 30 jir ah ayaa kooxda heysata Champions League la joogay tan iyo markii uu Marsielle kaga soo biiray 2007dii.




Markii uu saxiixay heshiiska cusub ka dib waxa uu yiri: “Aad ayaan u faraxsanahay. Mar walba Bayern waa sida gurigeyga oo kale.




“Dareen wanaagsan ayaan igu jira aniga iyo qoyskeygaba, waxaana rajeynayaa inay noqoto sida sannadkii hore.”




Ribery ayaa indhaha ku haya inuu la shaqeeyo macalinka cusub ee Bayern Munich Pep Guardiola, isagoo shalay sheegay in macalinka cusub uu doonayo inuu ku tijaabiyo booska No. 10 ee ka danbeeya gooldhaliyaha.




 




 




Heshiiskiisa cusub waxa uu ka dhigan yahay in kooxda heysata horyaalka Bundesliga uu la sii joogi doono ilaa iyo 2017.