Wednesday, June 26, 2013

Taariikhda Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.


(GNA) Maxamed Biixi Yoonis Wuxuu ahaa diblomaasigii ugu darajo sareeyey dunida afka soomaliga ku hadasha marka laga reebo Cabdiraxiim Caabi Faarax oo mar noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, oo ka soo shaqeeya marinka diblomaasiyadda caalamiga ah ee qaramada midoobay.




Haddaba waxaanu halkani idiinku soo gudbinayna taariikh nololeedka Maxamed Biixi Yoonis, iyo weliba xogo dheeraad ah oo ku saabsan sababta uu u aqbalay xilkani wasaaradda arrimaha dibadda, iyo isagoo lagu wado inuu isku sharaxo xilka madaxtinimada Somaliland




Waa Kuma Maxamed Biixi Yoonis ?




Maxamed Biixi Yoonis wuxuu sannadkii 1947-kii ku dhashay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, isagoo dugsigii hoose ku bartay magaalada Hargeysa, dugsiyadiisii dhexe ayuu ka baxay dugsiyada Sheekh isagoo kii sarana ku bartay dugsigii sare ee Camuud.




Wuxuu sannadahii 1970-naadkii shahaado sare ka qaatay dugsigii tababarka macalmiinta ee magaalada Hargeysa oo uu ka qaatay shahaadada (High Diploma), wuxuuna ka noqday magaalada Hargeysa macalin wax ka bara, sannadahii 1971-kii ayuu waxbarasho sare ka hellay dalka maraykanka isagoo waxbarasho ka hellay jaamacadda weyn ee Harvard University.




Jaamacadda Harvard University ayuu Degree-giisa hore wuxuu ku qaatay barashada culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, isagoo sidoo kalana qaatay shahaado kale oo Bachelor ah oo isla jaamacadda Harvard University uu ka qaatay culuumta maamulista dhaqaalaha, isla jaamacadda Harvard University ayuu ka qaatay shahaado sare (Master Degree) oo ah cilmiga maamulista arrimaha bulshada iyo siyaasadda (Master Degree of International Relations, Political Science and Public Relations Management)




Sannadahii 80-maadkii Maxamed Biixi Yoonis wuxuu ku biiray bangiga horumarinta Afrika ee loo yaqaano (African Development Bank) isagoo muddo dheer ka soo shaqeeyey bangigaasi kana soo qabtay xilal ay ka mid yahiin madaxa Bangiga ee dalalka Beriga Afrika, madaxa maalgelinta ee baanka (head of Investment), madaxa maamulka daymaha ee Bangiga, isagoo noqday madaxii xidhiidhka siyaasadda ee Bangiga ADB.




Badhtamahii 90-naadkii ayaa Maxamed Biixi Yoonis waxaa loo magacaabay madaxii qaybta hawlaha ee qaramada midoobay u qaabilsanayd barnaamijkii qaramada midoobay ee Beriga dhexe, isagoo saldhigiisuna noqday magaalada Beirut ee dalka Lebnan.




annadkii 1999-kii ayaa loo magacaabay agaasimahii fullinta ee hawlgalkii qaramada midoobay ee Lebnon iyo Israel, wuxuuna madax ka noqday xafiiskii qaramada midoobay ee magaalada Televiv ee caasimadda dalka Israel, wuxuu sidoo kale noqday danjirahii xoghayaha qaramada midoobay ee Lebnaan iyo Israel.




Sannadkii 2002-dii wuxuu noqday madaxii haayadda u qaabilsan qaramada midoobay hawlaha nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka beriga dhexe (Israel iyo carabta) UNTSO (United Nation Truce Supervision Organisation), isagoo badanka iskaga dab qaaday jiray dalalka beriga dhexe, waxaa lagu xasuusta qaybtii weynayd ee uu ka gaystay maxaabistii israel iyo dalalka carabtu ay is dhaafsadeen. waxaana sannadkii 2006-dii loo magacaabay ku xigeenka danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan gobolka Darfur, isagoo laba sanno ka dibna noqday ergayga Midawga Afrika iyo Qaramda midoobay iyo ku xigeenka barnaamijka UNMID ee maamulka haayadaha qaramada midoobay ee gobolka Darfur.




Wuxuu leeyahay ku dhawaad 25 Sannadood oo khibrad diblomaasiyadeed, isagoo badanka loo diri jiray goobaha ugu xasaasisan uguna adag dunida, sida Darfur, Israel, Beriga Dhexe iyo Latin Amerika, sida xogo ay Durdurnews iftiiminayso tibaaxayaan waxaa la filaayey inuu dhawaan noqdo ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ama madaxa guud ee haayadda UNDP balse wuxuu ka door biday inuu shaqada caalamiga ah ka nasto oo uu dib ugu laabto Somaliland.








Muxuu Ku Soo Kordhin Kara Siyaasadda Somaliland ?




ad badan ayaa aaminsan in haddii Maxamed Biixi Yoonis ku soo biiro siyaasadda Somaliland ay taasi soo dedajinayso in Somaliland aqoonsi buuxda ay bulshada caalamka ka hesho, waxaanay dadkaasi aaminsanyahiin inuu yahay masuul aad looga qiimeeyo bulshada caalamka agteeda, wuxuu badiba la saaxiib yahay hogaamiyayaasha caalamka, jaamacadda Harvard ee dalka maraykanka ayey mar waxay wax ka wada baran jireen madaxweynaha haatan ee dalka maraykanka Barack Obama, wuxuuna ka soo shaqeeyey 22 dawladood oo dunida dacaladeeda ku yaalla.








Ambassador Cabdiraxmaan Muuse Qarami oo ahaan jiray Agaasimahii waaxda siyaasadda iyo arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkii Soomaaliya 1980-naadkii ah, haddana ku sugan dalka ingiriiska ayaa Durdurnews u sheegay in haddii Maxamed Biixi Yoonis uu dalka hogaankiisa qabto ay soo dedejinayso inay bulshada caalamku u istaagto qaddiyadda Somaliland “waa nin garanaya sida dal Somaliland oo kale ah loo hogaamiyo, 20 sannadood ayuu dawlado burburay iyo goobo halis ah ka soo shaqaynaayey, waa nin sumcad ku leh gudaha qaramada midoobay, albaab kastana si fudud u garaaci kara, haddii Axmed Siilaanyo gartay taasi waa mid la soo dhawayn karo” ayuu yidhi Ambassador Qarami.




Hoos Ka Daawo Sannadkii 2010-kii Oo Uu Hogaaminaayey Sii Daynta Maxaabiis U Shaqaynaysay Qaramada Midoobay Oo La Afduubay, Daawo Maxamed Biixi Yoonis Oo Sii Dayntooda Ka Hadlaya








 




Hadaba Bahada Gobanimonews waxaa ay idiin balan qaadayaan warar xaqiiqa dhex dhexaad ah iyo waxa ka jira dunida dacaladeeda ku xidhnaw gobanimonews Agency