Sunday, June 30, 2013

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo booqasho ku tagay xabsigii uu ku xidhnaa Mandela ee dalkasi South Africa


(GNA) Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa booqasho ku tagey dalka South Africa safarkiisaan ayaa ah saddex safar uu ku tagi saddex dal oo ka dhisan qarada Africa, waxaana lagu wadaa in uu halkaasi kula kulmo madaxweynaha South Africa Jacob Zuma.




Obama booqashadan uu ku yimid dalka South  Africa ayaa ku soo beegmaysa,xili saddex todobaad ka hor la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Pretoria  Nelson Mandela oo ahaa madaxweynihii hore ee South Africa oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinayo.




Madaxweyne Obama ayaa sheegay in uusan booqanayn isbitaalka uu ku jiro Mandela,islamarkaana uusan dooneyn inuu culeys saaro qoyska Mandela.




Obama ayaana maanta booqasho ku tagay xabsiga uu ku xirnaa hogaamiyihhii hore ee dalka South Africa Nelson Mandela oo haatan isagu ku jiro marxalad adag.




Mr.Obama ayaa ku tilmaamay Mandela in uu yahay geysi adduunka ku faanto.




Waxa uu horey u booqday Obama dalka Senegal,waxa uu sidoo kale booqanayaa dalka Tanzania ee geeska Africa.




Booqashadan ayaa ah mid uu Obama ku hormarinaayo xiriirka ka dhexeeya Mareykanka iyo Qaaradda Africa dhinaca ganacsiga iy horumarinta mustaqbalada dhow.