Friday, June 28, 2013

Xasan Daahir Aweys: Waayihiisii 1977 ilaa 2013, Mustaqbalka Adag ee horyaala iyo Dawlada oo la soo wareegaysa






Muqdisho(GNA)-Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka mid ah hoggaamiyayaashii ururada Islaamiga ah ee Soomaaliya, isagoona ah dadkii ugu horeeyay ee u ololeeya fikirka Islaamiga Xagjirka ah, Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay asaaska fikirka jihaadiga ah ee Soomaaliya.




 Sheekhu waxa uu horey u ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya waxaana uu qeyb ka qaatay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee sanadkii 1977-kii, sanadkii 1986-kii waxaa sheikh Xasan daahir Aweys iyo koox ka mid ah hoggaankii ururka Al-Itixaad Al Islaami lagu xeray magaalada Muqdisho iyadoo ururkaasina la aasaasay 1983-kii.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa loo xeray in uu fakir diini ah ka dhex waday ciidanka Soomaaliya, waxaana sanadkii 1987-kii lagu xakumay xukun dil ah inkastoo laga qafiifiyay oo loogu badalay xabsi daa’in waxaan la sii daayay sanadkii 1988-kii kadib markii uu dhacay xukunkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxa uu sheikh Xasan Daahir Aweys dib u bilaabay dib u dhiska ururkii Al-Itixaad oo xoogeystey waxa uuna dagaalo la galay hoggaamiye kooxoodyadii ka jirey Soomaaliya.

Kadib burburkii ururka Al-Itixaad waxaa Sanadkii 2006-dii loo doortey Sheekh Xasan Daahir Aweys guddoomiyihii ugu horeeyay ee golaha shuurada oo ay yeesheen midowgii maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliya, Golahaasi oo ka koobnaa 88 qof waxa uuna sidaasi ku noqdey hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqii Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku baaqay in jihad lala galo Itoobiya, isagoo ka horjeeday xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf ee fadhigeedu ahaa magaalada Baydhaba iyo dowladda Itoobiya oo taageereysey oo aakhirkii ciidamadeeda ay gudaha u galeen Soomaaliya awooda caasimadana kala wareegay midowgii maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya.

Sheekh Xasan Daahir ayaa xilligaasi u baxay wadanka Eritareya oo uu ka mid noqodey isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya la magac baxay ee fadhigiisu ahaa magaalada Asmara, isbaheysigaasi ayaa burburay kadib markii ay laba garab u kala jabeen, oo garabkii uu hoggaaminaayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay oggolaadeen wadahaddalladdii Jabuuti oo aakhirkii lagu soo dhisey dowlad uu hoggaaminaayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa 2009-kii dalka dib ugu soo laabtay isagoo la wareegay hoggaanka ururkii markaas un la aasaasay ee Xisbul Islaam hase ahaatee waxaa marxalado kala duwan oo mararka qaar iska hor imaad gaaray oo soo dhex maray Xisbul Islaam iyo xarakada Al-Shabaab, waxaa aakhirkii ururka xisbul Islaam uu ku biirey Al-Shabaab.

Tan iyo markii ururkaasi uu ku biirey Al-Shabaab waxa ay dadka  ka faalooda arrimaha ururada Islaamiga ahi tilmaamaan inuu qeyb ka ahaa khilaaf ka dhex jira ururka Al-Shabaab oo u kala qeybsanaa laba garab ee uu hoggamiyo Axmed Cabdi Godane oo ururka madax ka ah iyo mid ka mid ah saraakiisha Sar Sare ee ururkaasi oo lagu magacaabi Mukhtaar Roobow Cali(Abuu Mansuur).




 hase ahaatee khilaafka dhinaca fikirka ah ayaa shaaca u soo baxay kadib markii sanadkii tagay ee 2012-kii ay Al-Shabaab gaar ahaan garabkii Axmed Cabdi Godane ay soo saareen bayaan ay ku tilmaameen in xarakada Al-Shabaab ay tahay tan kalliya ee matasha ummada Soomaaliyeed. Iyadoo todobaadyo ugu dambeeyay  ay isa soo tarayeen in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu halis ugu jiro in fikirkiisa dartii kooxda Al-Shabab go’aan uga qaadato ku sii jiritaanka Ururkaasi.




Hadal heyn iyo warar soo baxayay oo sheegayay inuu sii cakirmay Khilaafka uu qaybta ka ahaa ee gudaha Ururka Al-shabaab, maalintii Salaasadda ayaa la shaaciyay inuu ku soo fool leeyahay Magaalada Cadaaddo ee xarunta Gobolka Ximin iyo Xeeb, halkaasoo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaanu isla Arbacadii shalay 26 Bishan June 2013, ka soo degay Xeeb ku taala Gobolka Ximin iyo Xeeb, isagoo ku soo socdaalay Doon uu ka soo Cararay dhinaca Gobolada Koonfurta.




Waxaanu imaanshiyiisa Cadaaddo soo dhaweyn kala kulmay maamulka halkaasi ka arimiya oo si wanaagsan u qaabilay, iyadoo uu habeenkii xalay madaxda Maamul Goboleedka Ximin iyo Xeeb casuumad ugu sameeyeen gudaha magaalada cadaaddo.

Sheekh Xasan Daahir Aweys waa hoggaamiye miisaan culus ku leh dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya waxaan talaabadan uu  qaaday  loo qaadan karaa guul weyn oo laga gaadhay soo afjarida fikirka Al-Shabab.




 mustaqbalka siyaasadeed ee Sheekh Xasan Daahir Aweys ayay  qaramada midoobe iyo Mareykankaba ay xayiraad saareen kana mid yahay liiska argagixisada, waxaana uu noqon doonaa mid badan ay ka warsugi doonaan dadka isha ku haya arintiisa, iyadoo  jawaabo badan laga helli doono marka uu saxaafadda la hadlo.




Dawlada Somaliya ayaa ku goob-yaalaysa sidii Gacanteeda loo soo gelin lahaa, waxaana 24 saacadood ee la soo dhaafay jiray Ergo u kala dabqaadaysay isaga oo weheshanaya Ximin iyo xeeb iyo dawlada Federaalka ah oo dhinac Ergo u badan siyaasiyiinta beeshiisa.




Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladiisa iyo ergooyinkuna waxay tibaaxayaan in Wefti Wasiiro ah oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/risaaq xuseen Guuleed Fiqi ay labada maalmood ee soo socda tegayaan Magaalada Cadaaddo si ay go’aan uga gaadhaan la soo wareegidiisa.




Weftiga Wasiiradda ah ee la hadal hayo inay Cadaaddo tagaan, waxa ka horeeyay oo iyagu ilaa shalay iyo maanta ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka somaliya oo ay isku deegaan ka soo jeedaan, kuwaasoo doonaya inay ku qanciyaan inuu Dawlada isu soo dhiibo, isla markaana awoodiisa iyo Mustaqbalkiisa ku xidho Cafis, xadhig iyo dil dawladu waxay ka yeesho.




Waxaana cad inaanay dawlada Xasan Sheikh Maxamuud keligeed go’aan ka gaadhi Karin waxa laga yeelayo, balse ay soo faro-gelin doonaan Dawlado faro badan oo uu cadowgooda ka mid ahaa, sida maraykanka iyo Kenya oo u heysto inuu door ku lahaa Qaraxyo iyo weeraro Argagixiso oo lagu bartilmaameedsaday safaaradii Maraykanka ee Nairobi.




Ururka Al-shabaab ee uu ka soo goostay, ayuu sidoo kale u yahay cadow, waxaanay u arkaan inuu dhabar jabiyay Yoolkii Ururkaasi ee dhinac jihaadka, taasoo markaasi khasbaysa inay geed dheer iyo geed gaabanba u fuulaan sidii ay u khaarajin lahaayeen.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Qayb ka mid ah Qoraalkan waxa xuquuqdiisa leh Shabakadda Allbanaadir.com