Thursday, June 27, 2013

Kismaayo: Halkuu marayaa Dagaalka u Dhexeeya Maleeshiyaadka is-diidan ee Jubaland?


Muqdisho(GNA)-Wararka laga helayo Kismaayo, ayaa sheegaya in wali Magaaladaasi Dagaal si goos-goos ah u socdaa ka socdo.




Dagaalka ayaa u dhexeeya laba Maleeshiyo oo midkooda tahay Xarakadda Raskaambooni ee Axmed Madoobe, halka Ciidanka kale lagu sheegay kuwo Daacad u ah Col. Barre Hiiraale oo ka mid ah madaxweyneyaasha iscaleemo saaray Jubaland.




Lama hayo Khasaaraha ka dhashay Dagaalkan oo laysu adeegsaday noocyada hubka, si weyna u wada saameeyay Magaalada, waxaase la soo sheegay in ilaa afar qof oo Rayid ah Ciidanka Axmed Madoobe Dileen ka hor intaanu Dagaalku qarxin




Wararka qaar ayaa sheegaya in Dagaalku ka dhashay Ismaandhaaf  labada dhinac ka dhex abuurmay, balse dad ku sugan Magaalada ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka bilaamay dilka dadka rayidka ah.
Goob-joogayaal Kismaayo jooga ayaa Warbaahinta u sheega In kabadan 6-Qof oo u badnaa dhinacyadii Dagaalamay ay ku dhintay Dagaalka, tiro intaasi ka badan oo dhaawacantayna qaarkood Cisbitaaladda la gaadhsiiyay.




Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac midna, waxaana lagu soo waramayaa in Dagaalku caweysinkii ilaa galabta markii bilaamay socdo.




Gobanimonews




Muqdisho Office