Thursday, June 27, 2013

Cunista Khudrada Oo La Ogaaday In Beerka Aadanaha Wax Badan ka Difaacdo.


(GNA) Cilmi-baadhis  ay soo saareen khubaro  ka tirsan mac-hadka  caafimaadka  ee Institute of Medical  Science iyo Jaaamacadda Jeju National University oo ku yaal dalka Koonfurta Kuuriya,




 ayaa sheegay in Amino acids iyo macdanaha laga helo khudaartu ay unugyada beerka ka difacaan sunta ka dhalata cuntada iyo waxlaha kale.




Qayb ka mid ah daraasaddan oo lagu daabacay wargeyska Food Science, ayaa shaacisay in diirta khudaartu faa’iido caafimaad iyo mid ka hortagba u leeyihiin beerka dadka oo ah halka ay si toos ah u asiibaan dhammaan sumaha kala duwan ee jidhka bani’aadamka gala.




 




Mr. B.Y. Kim oo cilmi-baadhistan hoggaaminayey ayaa isagoo arrintan ka hadlayey waxa uu yidhi; ‘Sunta soo ku jirta cunta amma sida tooska ah u weerarta unugyada beerka waxaannu daraasad ahaan ku ogaanay in lagaga hortagi karo khudaarta oo si fiican loo cuno, waxaanay natiijada cilmi-baadhistu caddaysay sida cilmi ahaan khudradu beerka uga difacaan alkoosha iyo sunta kale ee soo weerarta.




 




Daraasad tan ka horreysay oo ay fulisay Jaamacadda Cheju National University oo caafimaadka lagu barto oo ku taal dalka Kuuriya, ayaa muujisay in macdanaha laga helo khudaartu ay firfircoonaysiiyaan dheecaannada fududeeya in si fiican loo burburiyo alkoosha jidhka ku jirta.




 




Waxa kaloo cilmi-baadhistani tilmaantay in khudaarta la ridqada faa’iido caafimaad u leedahay unugyada beerka dadka, taasoo ka difaacda walxaha suntan ah ee ka soo weerara dibadda




 




waxaan akhristayaal idin balan qaadi doona inan marba idiin soo tabino warbixino xiiso baddan.








 




 




 




 




 




 




Diyaariye;C/qaadir Ismaaciil Baaruud Askar