Wednesday, June 26, 2013

War: Xaqsoor Waa la Khiyaameeyay, ama iyagaa Is-khiyaameeyay , ka dib Cambaareynta Wasiirrada la siiyay


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor  Xasan Ciise Jaamac  waxa uu sheegay inaan urur ahaan lagala tashan magacaabista Wasiirada cusub ee xukuumadda loogu daray.




Xasan Ciise Jaamac ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay ka baxday wada-hadalladii u socday labada dhinac isla markaana ay iska dhego-marisay soo-jeedin Ururka Xaqsoor ku shaaciyey inay diyaar u yihiin wejiga labaad ee wada-hadallada.




Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray guddoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac, kaas oo u dhignaa sidan:




“Ka dib marKii uu gudigii laba geesoodka ahaa ee wadahadalada ku jiray uu isla soo qaaday qodobo guud ayaa ururka xaqsoor ku dhawaaaqay inay diyaar u yihiin wareegii labaad ee loogu gelilahaa tafaasiisha qodobada guud, hadii laga helo dhinaca xukumada. Iyada oonay xukumadu kasoo jawaaabin soo jeedintaas ayay imika magacowday Wasiir iyo Wasiirudawle ka tirsanaa hogaanka xaqsoor ayaga oon magacaabistooda waxba ka waydiin hogaankii ururka.




Shicibka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ururka xaqsoor daacadnimo ku galay wadahadaladaas. Waxaan ogolaanay inaanu la hadalo xukumada ka dib markii ay ayagu ku taliyeen inaanu wadahadalo yeelano. Waxaanu sidaas u yeelay anaka oo dadka iyo dalka la jecel isafgarad iyo horumar iyo anaka oo ka cararaynay in naloo sawiro urur garmaqaate ah. Waxa se noo muuqatay inaanay xukumadu daacad ka ahayn wadahadalada. Imika xukumadu talaaabadan, magacaabida waxay ku cadaysay inay ka maarantay heshiis dhamaystiran ooy la gasho ururka xaqsoor.




Waxaanu halkan ku cadaynaynaa mar kale, inaan Xaqsoor cidi uga lexejeclo badnayn Somaliland oonu sidii hore iyo si kasii wanaaagsan ugu sii shaqayndoono midnimada, sharafta, cadaalada iyo xaqsoorka iyo horumarka dadka iyo dalka qaaliga ah ee Somaliland.




Hadalka Xasan Ciise Jaamac wuxuu saacado ka dameeyay ka dib markii xalay Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo Liiska Koox Wasiiro ah oo uu magacaabay ku soo daray Axmed Cabdi Kaahin, Guuddoomiye ku-xigeenkii 2-aad ee Ururka Xaqsoor  oo u magacaabay Wasiirka Dib u dejinta iyo Cali Sandule oo aaha ku-xigeenkii Xasan Ciise oo uu isagana u magacaabay Kursiga Goboladda Bariga ku Wareega ee aan Xafiiska lahayn.




Wax war ahi kama soo bixin dhinaca labadan siyaasi ee la magacaabay, waxaanay arintoodu u muuqataa inay ku qanceen Xilalka loo dhiibay,ama guddoomiyahooda dhabarkiisa ku jiraan.




Waxaana xusid mudan in hadalkani ka soo baxay Xasan Ciise xili aan laga soo dhaweyn magacaabistooda labadan masuul ee inay ka fakadeen Ururkii Xaqsoor loo malaynaaya.




Gobanimonews




Hargeysa Office