Friday, June 28, 2013

Weriye war ka soo Tabiyey Isagoo ku dul fadhiya garbaha mid ka mid ah dad daad Qaaday.


(GNA)Suxufi ka hawlgala Telefiishan laga leeyahay dalka Hindiya ayaa lagu dhaleeceeyey war uu soo tabiyey, kadib markii uu shaashada ka soo baxay isagoo garbaha mid ka mid ah dad danyar ah oo daad ku aafeeyey Gobolka Uttarakhand warka masiibada ka soo tabinaaya, kuna dul fadhiy.




Narayan Pargaien oo ah Weriye Gobolka Uttarakhand uga soo warama Telefiishanka Qaranka Hindiya ayaa aad uga careysiiyey dadka xuquuqal-insaanka iyo dadweyne badan oo daawanaayey dhacdo wareedkan naxdina leh.




Weriyahan wuxuu dhinaca iska leexiyey inuu ka Faa’iidaystan ninka saboolka ah si kamarada looga duubo isagoo biyaha daadka dhex taagan, iyadoo dadka dhaleeceeyey sheegeen in ninkan oo aan waligii arag qof caan ah ay u saamaxday in suxufigu garbahiisa dul fuulo.




Muqaalka warbixinta ah ee Mr. Paragaien soo tabiyey oo lagu baahiyey internetka, gaar ahaan mareegta muqaalada laga daalacdo ee YouTube horraantii bishan ayaa qof kasta oo arkaa faalada u ka bixiyaa ahayd dhaleecayn.




Mr. Paragaein oo muddo 20 sannadood ah mihnada saxaafadda ku guda jiray, khibrad fiicana leh oo warraysi laga qaaday ayaa qirtay inuu aad ugu khaldana ficilka uu sameeyey, balse uu sidaa sameeyey markii uu dalab ka helay ninkan dhibanaha ah.




‘’Fikradayda may ahayn inaan sidaa sameeyo, balse ninka igu qaaday garabka si uu gurigiisa iigu geeyo, waxaannu iga codsaday in aan garbahiisa dushooda warka ka tabiyo’’, ayuu Mr. Pargaien ku sheegay warraysiga uu ka qaaday war laliyaha News Laundry la yidhaa.




Masiibadan ayaa la sheegay inay gobolkaas ku dishay 1,000 qof, halka kumanaan kalena ku guryo beeleen.