Wednesday, June 26, 2013

Xasan Daahir Aweys oo Maamulka Ximin iyo Xeeb isu dhiibay, ka dib Khilaafka Al-shabaab






Cadaado(GNA)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Degmada Cadaado ee Xarunta Gobolka Ximin iyo Xeeb Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Hogaamiyayaasha  Xarakadda Al-shabaab ayaa gaadhay Degmada Cadado, ka dib Heshiis sida la sheegay dhex maray Maamulka Ximin iyo Xeeb.




Xasan Daahir ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Mudug, iyadoo imaatinkiisa Cadaado ay ka dambeysay heshiis dhex maray isaga iyo Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka Ximin iyo Xeeb uu khilaaf soo kala dhex galay, kaasoo ku saabsan qaabka markii hore looga hadlay arrinta Xasan Dahir.

Khilaafka ayaa ku saabsan wareysi uu Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey uu siiyay Idaacada VOA, kaasoo uu ku sheegay inay gacanta ku dhigeen, wada hadal kadibna uu isu soo dhiibay.

Laakiin arrinta jirta ayaa ah in Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb uu markii hore degmada Cadaado shalay kaga ambabaxay in Xasan Dahir uu marti geliyo, wada hadalo dhex maray kadib.

Wararka ayaa intaa ku daraya in goor dhow laga yaabo in Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb uu shir jaraa'id qabto, kaasoo uu kaga hadlayo imaantinka Xasan Dahir ee degmada Cadaado iyo wixii dhex maray.

Sheekh Xasan Dahir ayaa doon ugu soo baxsaday degmada Cadaado, markii khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo Hogaamiyaha Shabaab, waxaana la is weydiinaya inuu ku sii sugnaanayo cadaado iyo in kale.




Waxa uu ku jiraa liiska Dadka loo qoonsaday Argagixisada Caalamiga, waxaanay taasi sababi kartaa inay dawlada Federaalka somaliya Ximin iyo Xeeb ka dalbadaan in la soo dhiibo, taasoo hadii ximin iyo xeeb a gows adeygo abuuraysa Khilaaf siyaasadeed oo nidaamka Federaalka salka ku haya.