Saturday, June 29, 2013

Wasiir Xuseen C. Ducaale: Waan soo Dhaweynayaa Waaxda Biyaha ee Wasaaraddayda laga laga saaray"







Hargaysa (GNA):- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo kala saaristii uu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay wasaaraddaasi ee Wasiirka loo magacaabay waaxdii biyaha, waxaanu tilmaamay in uu ku qanacsan yahay arrintaasi.




Xuseen Cabdi Ducaale Wasiirka macdanta iyo tamarta oo maanta warbaahinta Dawlada  u waramay waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo wasaarada cusub ee biyaha ee uu madaxweynuhu magacaabay, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay tahay hawl fududayn uu u sameeyay madaxweynuhu isla markaana uu kala qaaday hawlo culus oo qaranku lahaa.




Wasiir Ducaale waxa kale oo uu xusay in madaxweynuhu isaga oo ka duulaya fududaynta iyo taabo gelinta dhismaha hay’adaha qaranka uu gartay inuu kala saaro wasaaradda macdanta tamarta iyo biyaha.




Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ahaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, waxaana laga hoos-saaray Waaxda Biyaha ee Wasaaraddaasi  oo laga dhigay Wasaarad cusub oo wasiir loo magacaabay.




Gobanimonews




Hargeysa Office