Tuesday, June 25, 2013

Wasiir Geel-jire: Wax dhiba uma arko Go’aanka Madaxweynuhu igu bedelay, isaganaan ka sugayaa Meesha uu ii Bedelayo.


Hargeysa(GNA)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Caawa Madaxweyne Siilaanyo ka qaaday Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa ka dareen celiyay xil ka qaadista lagu sameeyay iyo aragtidiisa ku aadan qaab dhismeedka iyo muuqaalka xukuumadda madaxweynuhu sameeyay.



Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jirre oo Wareegtada madaxweynaha ee isku shaandheynta Golaha Wasiiradda lagu daray Liiska Wasiiradda Xilalkii ay hayeen loo bedelay, balse aan lagu xusin shaqo ka eriga, hadana meel loo magacaabay oo kale jirin, ayaa arintiisu dood badan dhalisay, ilaa hadana ma jiro War sugan oo laga hayo sababta meel loogu magacaabi waayay ama loo cadayn waayay in shaqada laga eryay.



Wasiir Geel-jirre, ayaa xalay markii wareegtadu soo baxday Gobanimonews Khadka Telefoonka kula xidhiidhay si aanu uga xaqiijino su’aalahan ka dhashay Xil ka qaadistiisa iyo magacaabistiisa oo aan cadayn, waxaanu sheegay inaanu ilaa hada wax ah ka ahayn arintaasi, balse uu gadaal ka eegi doono meesha loo bedelo.



Cabdillaahi Jaamac, waxa kale oo uu ku dooday inaanu wax dhib ah u arkin go’aanka madaxweynuhu shaqada kaga bedelay, waxaanu yidhi.  “aniga Madaxweynuhu isagaa Xilka ii magacaabay anigoo waliba waddanka ka maqan,iminkana iga qaaday,wax dhibaato ahna uma arko waayo Xilku waa meerto oo maalinba ciduu Madaxweynuhu u garto ayuu u dhibayaa,markaa inkasta oo aanu meel kale ii magacaabin oo aan isaga ka war sugayo, waxaan diyaar u ahay inaan mar walba la shaqeeyo oo aan garab taagnaado”



Mar aanu waydiinay inuu madaxweynuhu kala tashaday meesha looga bedelayo Wasaaradii uu hore u joogay iyo ilaa halka uu filayo in loo magacaabo, waxa uu ku Jawaabay.



“Runtii anigu ma ogi meel lay bedelayo, madaxweynaha ayuunbaanay ku xidhantahay oo go’aanka iska leh, laakiinse waaniga kuu sheegay oo anigu mar walba xukuumadda iyo Madaxweynaha waan la shaqayn doonaa”ayuu yidhi.



Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geel-jire ayaa sidoo kale Gobanimonews wadiisay, sida uu u arko Golahan cusub ee Madaxweynuhu dhisay, waxaanu sheegay inaanu isagu wax tacliiq ah ka bixinayn, go’aanka Madaxweynuhu qaatay, kana reebantahay Masuul ahaan inuu ka  faaloodo talaabo siyaasiyan madaxweynuhu qaatay.



“anigu kama faaloon karo go’aan madaxweynahaygu qaatay, waayo waxaan ahay Masuul xukuumadda wali ka tirsan, markaa iima banaana inaan wax ka sheego talaabada Madaxweynuhu qaaday, waana  arin aan mar walba ku qanacsanahay”ayuu sheegay.



Cabdillaahi jaamac Cismaan Geel-jire ayaa ka mid ahaa Golihii Wasiiradda ee uu madaxweynuhu soo magacaabay dabayaaqadii bishii Jully 2010-kii, ka dib markii uu xilka la wareegay, waxaana xiligaasi loo magacaabay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelin oo uu mudo sanad ku dhaw wasiir ka aha, isla markaana dib u habayn iyo Isbedel dhinaca Warbaahinta ah ku sameeyay.



Sidoo kale Wasiirka Kaluumaysiga , ayaa loo  bedelay Isku shaandheyn madaxweynuhu ku sameeyay sanad iyo dheeraad ka dib Golihiisa, wasiiradda, halkaasoo uu muddo dheer oo ku siman kala badh wakhtiga xukuumadda siilaanyo uu joogay, isla markaana horumarin balaadhan ku sameeyay Dhismaha iyo Kaalinta ay kaga jirto Wasaaraddaha dawlada.



Masuulkan oo ka mid ahaa Qurbo-jooga Xukuumadda ee dibadaha ka soo shaqo tegay, ka dib guushii Xisbigoodu ku helay Doorashadii Madaxtooyada, wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta inta badan ku socda siyaasadda degen, aan maamulkooda Bulshadu ka caban, waxaanu ka mid yahay xubnaha dhinaca shacbiyada ugu fur-furan Wasiiradda Xukuumadda uu ka tirsanyahay, laakiinse aan meel kale looga magacaabin.



Mar kale hadii Taariikhda siyaasigan iyo sida uu Siyaasadda ku soo galay, kuna caanbaxay xiligii Xisbigiisu Mucaarid ahaa, aan eegno, wuxuu ahaa Qoraa dhinaca sarbeebta wax ku dhiila, waxaana si aad ah loogu xasuustaa Sheeko Sugaan iyo Jacbur isugu jirtay oo qori jiray, taasoo la odhan jiray Dubbe iyo Doolaal, waxaanay sheekadaasi inta badan salka ku haysay aragtiyo siyaasadeed oo ku dhaliili jiray Xukuumaddii Rayaale.



Si kastaba ha ahaatee dadka arrimaha siyaasadda ka faaloodaa waxay leeyihiin madaxweyne Siilaanyo meel kale ayuu u magacaabayaa Siyaasigan, warar kale oo madaxtooyada laga helayaana waxay intaasi ku darayaan in maalmaha soo socda loo magacaabi doono shaqo cusub, taasoo loo badinayo La-taliye Madaxweyne.



Gobanimonews



Hargeysa Office