Saturday, June 29, 2013

Ma Dhabbaa In Wasiir Kii Hore Ee Arimaha Dibadu Iska Casilayo Wasaaradda Loo Bedelay?


 W/Q:-Kamaal Sh Ismail




Wasiirkii hore ee wasarada arimaha dibada  ee somaliland Md maxamed c/lahi cumar oo mudadii uu xilka hayay la daaladhacayay wasaarada arimaha dibada lana daadagay intii uu ku sugnaa wasaarada, gaadhsiiyaynay meeshii ugu hoosaysay ee abid ay gaadho wasaaradaasi  ayaa wiigii hore xilka uu ka qaaday madaxwayne axmed maxamed maxamuud siilaanyo una wareejiyay wasaarad kale taas oo u cuntamiwayday wasiir maxamed c/laahi cumar.Haddaba iyada oo ay wasaaradan arimaha dibadu ay soo mareen tiro wasiiro ah oo aqoon iyo karti badan lahaa  xiliyadii dawladihii kala danbeeyay ayaa waxaa mid waliba uu kasii hambo qaadi jiray halka ay taagnayd xiligaa waxna kusii biirin jira, intii ay dhalatay xukuumada axmed siilaanyo ayaa waxaa kamid ahaa wax yaabihii ay ku fashilantay in wasaarada arimaha dibada loo magacaabo qof karti iyo aqoon buuxda u leh arimaha caalamka iyo geeskaba waxaa wasiir maxamed c/laahi arinkiisu dhaafi waayay waxaa lanagu soo dhaweeyay meeqaam sare iyo wax lamid ah oo dadka u cuntami waayay, laakiinse imika ayuu siilaanyo asiibay wasiirka arimaha dibada ee uu magacaabay qofkii u qalmayay. haddii aan dib u milicsano wasaarada loo badalay wasiirkii hore ee arimaha dibada ayaa waxay kamid tahay wasarada ugu liita ee wax alla wax ay qabato aan la aqoon waxayna kamid tahay wasaaradaha loo yaqaano ‘waraabo taaga’ haddaba wasiir maxamed c/laahi ayaa waxay warku sheegayaa in uu ka biyo diiday meesha uu u badalay madaxwaynuhu oo uu wasiirku ku andacoonayo in uu iska casili doono xilkan uuna sii wadi doonin waxaa intaa uu warku ku darayaa in aan loo sheegin markii hore meesha loo badalayo iyo in wasaaradan xilkeeda laga qaadayo taas oo keentay in uu wasiirku ka xaanaqay wasaaradan bilaa dhacdhaca iyo bilaa caanaha ah ee loo badalay ee anay waxba kasoo galayn waxaa kaloo iyana isasoo taraysa in loo diray ergo ku qancisa in uu aqblo wasaarada  loo wareejiyay oo aanu ka diidin madaxwaynaha si aanu fashil uu imin, wasiirka ayaa ku dooday in uu aqbali doono oo kaliya wasaarad kale oo dhaanta wasaaradan haddii kalena inta aan aqbalo ayaa hadhawna iska casili doonaa .shacabka somaliland ayaa iyaguna ka war sugaya bal sida ay u aqbali doonaa rag badan oo is kala hami waynaa wasiir iyo wax lamid aha taana bal waynu ka dhawr sugi doonaa inta ka hadhay.




E-mail: shihaab25@hotmail.com




Kamaal Sh Ismail Adem




Freelance Journalist




Somaliland/Hargaysa