London(GNA)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib uga soo laabtay Maanta gelinkii dambe Magaalada London,oo uu labadii maalmeed u dambeeyay ku sugnaa,ka dib markii ay u suurto-gelin wayday inuu ka qayb-galo Shirka G8-ka oo ka furmay Irland.
Xasan sheikh Maxamuud ayaa ku soo jeeda waddanka Kenya, waxaanu shalay Magaalada London kaga qeyb galay shir hor u dhac u ahaa shirka G8, kaasoo uu ka jeediyay Khudbad uu kaga warayam xaalada dalka Soomaaliya.
Lama ogaga sababta keentay in Xasan Sheikh ka baaqsado ka qaybka shirkaasi oo muhiim ah, hase ahaatee waxa la sheegay inuu waxyaabihii uu ugu talo galay inuu shirkaasi ka gudbiyo uu u dhiibay raysal-wasaaraha Dalka Ingiriiska oo ka akhriyi doona Madasha Shirka.
Madaxweynaha ayaa ka mid ahaa madaxda Caalamka ee ka qeybgalay xafladda Boqortooyada Ingiriiska Queen Elizabeth II oo ahayd markii ugu horreysey ee Madaxweyne Soomaaliyeed lagu casuumo, taasoo muujinaysa saaxiibtinimo diblomaasiyadeed oo ka dhexaysa Reysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron.
Gobanimonews
London Office