Tuesday, June 25, 2013

Kooxaha mucaaradka wadanka Masar oo abaabulaaya in mudaharaado ay ka sameeyay wadankaasi ka hor 30 jun


(GNA) Kalsoonida kala laabtaan madaxweynaha dalka Dr. maxamed mursi iyagoo ku eedeenaayo in inta uu xilka hayay amniga uu faraha ka baxay dadki faqriga ahaa nolol xun galeen in dalkooda walio caalamku shaxaadaayo iyo in uu mursi 100 sano wadanka dib u celiyay.




. Naadiga ciidamada booliska oo 21ka bishan digniin iyo ogaysiis ku bixiyay in la xaday baabuur ay leeyihiin booliska taasoo ay ka digayaan in lagu dhibaateeyo shacabka in la rabo si la isaga horkeeno booliska iyo shacabka waa sidey warka u dhigeene
. Wasaarada arimaha gudaha dalka masar ayaa waxay ogolaatay in ay ilaalin doonaan mudaaharaadyada 30june didmo dher ka dib taasoo ay sabab uga dhigayeen in inta badan booliska lagu dhibaateeyo mudaharaadyada xili ay ku guda jiraan gudashada waajibkooda amaan.




. Wasiirka difaaca masar Abdi fitaax siisi ahna hogaanka sare ee cidanka xooga ayaa sheegay in militarigu soo dhex galayo mudaharaadka 30ka jun hadii uu amnigu faraha ka boxo waxaa kaloo uu ka sheegay shir malintii shalay ahayd 23ki jun uu kaga hadlayay arinka dalka ku jiro waxa uu yiri ( waxaanu u qabanaynaa xoogaga is ku haya siyaasada dalka masar mudo isbuuc ah ka hor inta aan la gaarin 30ka jun in ay keenaan xal oo ay meel dhexe isugu yimaadaan mana ka aamuseeno cid kastaa oo is ku dayda in ay cabsi galiso shacabka ama qalqal amni abuurto taasna waxaanu ka qaadi doonaa talaabo ku wajahan..




Shalay axadii 23ka jun ayaa waxaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo abu muslim ee ku yaala magalada Gizza ee dalka masar in ay weeraro ka gaysteen niman argagixisa kaasoo ay ku dileen 3 nin oo shiico ah halka mid kalana ay ku dhaaweceen .




. Manta oo isniin ah tarikhduna tahay 24ka jun ayaa maxkamada sare dalka masar waxay go,aamisay in la sii daayo labada wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka masar ka dib markii lagu waayay dambigii ahaa in ay lunsadeen lacago badan dhaqaalo badane ay si sharci daro ah ku kasbadeen madama ayaa la yiri aysan jirin dambiyo kale oo loo haysto maxkamadu waxay xukuntay in la sii daayo .








Dalka masar ayaa baryahan waxaa ka taagan arimo amni daro iyo is qabqabsi siyaasadeed oo xoogan iyadoona inta badan ay jiraan gacmo shisheeye oo ku gacan leh ama doonayo in burbur uu ka dhoco dalka masar sida ay qabaan dadka u dhuun daloola siyaasada dalka . masar ayaa waxaa loo abuurayaa malmaha dambe codow badan sida ethiopia isra,il oo hore adow ugu ahayd iyo iyadoo lagula dagaalayo biyihii niilka hadaba wixii soo kordho oo war ah waxaan idiin balan qaadaynaa inaan maalin walbo idiin soo gudbino