Tuesday, June 25, 2013

RASMI: Chelsea Oo Dhameystirtay Saxiixa Xiddigii Bayer Leverkusen Andre Schurrle.


Kooxda Chelsea ayaa dhameystirtay saxiixa xiddigii kooxda Bayer Leverkusen Andre Schurrle sida ay ku cadeysay warbixin la soo dhigay website-kooda.




Xiddigan 22 jirka ah ayaa qalin ku duugay heshiis shan sanno ah, isagoo Stamford Bridge kaga soo biiray kooxda Bundesliga ka ciyaarta oo uu iyada lafteeda ku soo biiray 2011dii.




13kii Bishaan ayay aheyd markii labada kooxood ee Chelsea iyo Bayer Leverkusen ay heshiis rasmi ah ka gaareen saxiixa ciyaaryahanka, waxaana maanta Chelsea ay soo gabagabeysay saxiixiisa, isagoo u xiran doona maaliyada No.14




“Aad ayaan u faraxsanahay haatan madaama aan saxiixay heshiiska, sharaf ayayna ii tahay inaan u ciyaaro kooxdaan, iyo taageerayaashaan weyn” ayuu Schurrle u sheegay website-ka Chelsea ka hor inta uusan hadalkiisa raacinin ” “Xaqiiqdii indhaha ayaan ku hayaa inaan u ciyaaro Chelsea.”




 




 




Schurrle ayaa ka ciyaari karo boosas dhowr ah oo ku jirto booska kubad sameeyaha khadka dhexe ama booska gooldhaliyaha.