Thursday, June 27, 2013

Berbera: Heer-kulka oo Aad u sareeya iyo Dadka oo ka Walaacsan siday ugu Soomi karaan Ramadaanta






Berbera(GNA)-Heer kulka Cimiladda Magaalo Xeebeedka Berbera ayaa maanta maraya meel aad u sareysa, xili lagu jiro badhtamaha Xagaaga oo ah xiliyada Kulaylka ugu badani ka jiro Xeebaha.




Waxa uu maanta Heer kulku gaadhay 47 Degree Qiyaasta lagu Cabbiro Kulaylka, waxaanay taasi keentay in Dadku dareemaan Diirimaad saayid ah oo khatar ku ah Nolosha.




Mudo aad u dheer ayaa Dadka Reer Berbera sheegeen inaanu heerkan gaadhin kulaylku, waxaanay walaac weyn  ka qabaan  in hadii uu Maalmaha soo socda sii kordho , ay taasi halis ku tahay nolosha Caadiga ah, isla markaana ay adagtahay in Bisha Ramadaan lagu soomaa.




Inkasta Dada Badankiisu Magaalada ka xagaa baxeen oo cidlo-cidlo laga dareemayo, hadana waxa muuqata in tirada dadka xiligan ku sugan Magaaladu ka badan yihiin kuwii ku soo hadhi jiray Xiligan oo kale Sanadihii hore.




Goobaha Ganacsiga iyo dhamaan Xafiisyada adeega ayaa si caadiya u shaqeeya labada gelin ee Maalintii iyo wakhtiga Habeen oo ay Magaaladu u shidantahay sideedii Caadiga ahayd, waxaana jira dad badan oo socoto aan wakhti dheer qaadan ku yimaada Magaalada, kuwaasoo u badan Ganacsatada iyo dadka iyagu Dekeda magaalada Muraadku ka soo galo oo si joogto ah u yimaada.




Si kastaba ha ahaatee Diiqadda  ka dhalatay Heer kulka Siyaasaday, ayaa  ah mid ay si isku mid ah u dareemayaan dadka Mudada dheer ku noolaa Magaalada iyo kuwa safarka ku yimi.




Gobanimonews




Berbera office