Sunday, June 30, 2013

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka reer galbeedka oo Ku qulqulaya Magaalada Muqdisho si ay su’aalo u waydiiyaan Xasan Daahir Aways


Wararkii u dambeeyey  naga soo gaadhaya xarunta dhexe ee taliska ciidanka nabad sugida Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xasan Daahir oo ka tirsanaa Al-shabaab, xalayna yimid Muqdisho halkaasi lagu xidhay, iyadoo lagaga baxay ballan hore oo ahayd inaan wax dhibaato ah loo gaysanayn oo uu xorriyadiisa helayo.




Balse markii uu sheekhu ka degey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada M       uqdisho, waxa loola dhaqmay waji ka duwan kii uu sugayey, waxana lagula wareegay si xoog ah.




Xubno ka tirsan hyadda nabad sugida dowlada Somalia oo magacooda ka gaabsaday ayaa  qaar ka mid ah warbaahinta u xaqiijiyey in Xasan Daahir lagu hayo xarunta nabad sugida Habar Khadiijo oo ku taalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir.




 




Saraakiil caddaan ah oo ka tirsana wadamada reer galbeedka ayey wararku sheegayaan iney xaruntaas ku qulqulayeen xalay illaa saaka iyagoo Sheekh Xasan Daahir la leh kulamo ay su’aalo ku weydiinayaan.




Heyaddaha sirdoonka reer galbeedka ayaa la sheegay iney dusha ka maamulaan heyadda nabad sugida dowlada Somalia iyagoo bixiya mushaharka iyo tas’ hiilaadka kale ee ay ciidankaas ku shaqeeyaan.




Amaanka xarunta nabad sugida ee habar Khadiija ayaa si weyn loo xoojiyey saaka iyadoo dhaxgaan waaweyn oo shub ka sameysan lagu gooyey wadooyinka gala, ciidamo fara badan oo kuwa nabad sugida ka tirsana si ka duwan sidii hore ayaa loogu arkayaa hareeraha xaruntaas kuwaasoo aad u feejigan, dibna u celinaya dadka socotada ah iyo gaadiidka ku soo dhowaada.




Dowlada Somalia ayaan illaa hadda war ka soo saarin xadhiga Sheekh Daahir Aweys oo xalay la keenay Muqdisho ka dib markii isagoo diidan ay sidaas ku qanciyeen odayaal iyo saraakiil ay isku heyb yihiin oo markii ay ka soo dejiyeen garoonka Aadan cadde xoog lagaga kaxaystay Sheekha iyagiina la iskugu daray xadhig iyo jidhdil.