Saturday, June 29, 2013


(GNA) Oprah Winfrey ayaa kaalinta koowaad ku hogaamineysa shaqsiyaadka caanka ah ugu awooda badan dunida sida ay soo bandhigay Shalay majalada ganacsig a US ee Forbes.

Waa markii shanaad oo ay Oprah ka mid noqoto 100 ka qof ee loo aqoonsado iney aduunka ugu awood badan yihiin.




Fanaanada Lady Gaga ayaa noqotay qofka labaad ee liiska 100ka qof,waxaana ka mid ah tobanka qof ee liiska ugu sareeya .Madonna, Jennifer Lopes, Beyonce Knowles, Steven Spiegelberg, Taylor Swift, BonJovi, Roger, Federer, Justin Bieber iyo Ellen DeGeneres.

Warbixintaa ayaa lagu qiimeeyey qof walba daqliga soo galay June 2012 ilaa June 2013,waxaana la sheegay in Oprah Winfrey  uu soo galay kharash dhan  $ 77 million, Mana aheyn Oprah qofka ugu kasbashada wanaagsan sanadkaan marka loo eego sanadkii hore,




haseyeeshee waxaa lagu qiimeeyey saameynta ay ku yeelatay warbaahinta iyo baraha dadka ay ku kulmaan ee social networkingka ah ,waxaa sharaftaa mudatay Madonna oo la sheegay iney soo gashay $ 125 million.Halka xidigta Lady Gaga lagu sheegay qiimeeyey daqliga soo galay $ 80 million.

Warbixintaa sanadlaha ah ayaa waxaa lagu soo qaatay daqliga shaqsiyaadka aduunka ugu caansan ay leeyihiin waxaana ku jira Fanaaniin,Jilaayaal, Ciyaaryahano,barnaamij soo saareyaal, waxaana ka mid ah,Rihanna,David Becham,Leonardo di caprio,Tom Cruise,Kety Perry iyo kuwo kale oo fara badan.