Thursday, June 27, 2013

Xagay ku Dambeysay Xukuumaddii Tirada yarayd ee Madaxweyne Siilaanyo?


Sida qof kasta oo bani,aadamka ka mid ahi fahmayo wakhtigu iyo waayuhuba way is badalayaan taariikhduna waa ma guurto, Masuul kasta oo mansab ka soo qabta Dal taariikh buu ka tagaa, jid cusub ayuu jeexaa ama mid hore u jiray ayuu ka leexdaa.





Shaqsi kastaa marka halkaganka ugu jiro himaladiisa waxa uu isku dayaa jidad badan oo uu ku kasban karo bulshada balse marka uu gaadho yoolkiisa waxaa ku adkaata in uu fuliyo balanqaadyadii badanaa ee uu ku beerlaxawsan jiray bulshada markii uu dalcada kaga baxayay.

Aan u daadago dulucda mawduuca oo aan ku iftiimin doono balan qaadkii madaxwayne Siilaanyo u sameeyay shacabka markii uu xilka la wareegay isaga oo sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tiro yar oo tayo leh, taasi oo maanta sida uu muwaadin walba ogyahay isku badashay xukuumad tiro badan oo tayo yar, taasi oo ay ku jiraan wasaarado badan oo magac u yaal ah, iyo wasaarad laga kala dhigay seddex wasaaradood oo loo magacaabay seddex wasiir.

Mar kasta oo bulshadu saluug ka muujiso waxqabadka xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo waxaa la sameeyaa isku shaandhayn cusub taasi oo wadata xilal cusub iyo jagooyin cusub oo loo soo magacaabo masuuliyiin cusub, taasi oo mar walba sii kordhisa Tayo xumo aan laga fikirin saamaynta togan ee ay ku yeelan karto Xukuumadda.

Cuntada haddii milixda laga badayo dhadhanka ayaa ka taga, shaqadana haddii la baahiyo Maamul Xumo ma waydo oo god-daloolooyin badan ayaa soo baxa, sida hadda kaaga muuqata Wasaaradaha cusub ee Madaxwaynuhu soo kordhiyay oo qaarkood aanay meelna haysan, tusaale ahaan Wasiirka Biyaha, Wasiirka Warshadaha, Wasiiru dawlaha arimaha bariga, iyo wasiiro kale oo badan. Kuwaasi oo u badan Wasaarado magac u yaal ah dalkana kharash uun kusoo kordhinaya.

Madaxwaynuhu Marwalba wuxuu magacaabaa La-taliyeyaal tiro badan haddana bulshadu waxa ay iswaydiinaysaa Maxay qabtaan waxan oo lataliye ahi, miyaanay kala talin waxa danta u ah dalka iyo dadka, miyaanay dib u xasuusin balan qaadyada tirada badan ee uu mar walba sameeyo madaxwaynuhu, mise waa maqaar saar lagu naasnuujinayo shaqsiyaadka jago looga waayo golaha wasiirada.

Bulshadu waxay u baahantahay Waxqabad aan hagrasho lahayn iyo cadaalad Saamaysa Qaybaha kala duwan ee bulshada, Xukuumadda waxaa looga Fadhiyaa inta ay ku mashquulsantahay Saamiga Beelaha ee Golaha Wasiirada in ay tayayso Wasaaradaha hore u jiray iyo Garsoorka oo Bulshadu si wayn uga cabanayso Xaqsoorka Cadaalada Somaliland.

C/raxmaan Xaaji




Gabiley/Somaliland