Thursday, June 27, 2013

Siilaanyo: Madaxweynaha Somaliya waxaan leeyahay Gooni-isutaaga Somaliland maaha mid Cadiifad ku dhisan,waanu jirayaa.






Hargeysa(GNA) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka Khudbadeeyay munaasibada Xuska sanad guurada 53 aad ee ka soo wareegtay wakhtigii  Somaliland Xorriyada ka heshay Gumaysigii Ingiriiska ayaa si adag u difaacay qadiyada waddankisa.




Madaxweyne siilaanyo ayaa sheegay in lagu kadmay Midnimadii Goboladdda somalida maanta oo kale afar cisho ka dib dhex martay, taasina dhalisay in Somaliland dib ula soo laabato Xoriyadeeda sanado badan ka dib.




In Somaliland Somaliland xoriyadeeda la soo laabto waxa madaxweyne siilaanyo sheegay inay sabab ahaayeen waxa uu ugu yeedhay Reer Koonfurku “Xoriyadii 26 june waxay ahay mid aynu ku taamaynay Somali oo dhan in aynu gaadhsiino oo waxaynu la tagnay somaliya Afar cisho kadib”




Madaxweyne Siilaanyo isagoo ka hadlaya dhibaatadii dhacday waxa uu raaciyay “Waxa loo galay halgan dheer oo dib loogula soo noqday, kadib markii dadweynaha reer Somaliland laga qadiyay manaasiibtii ugu muhiimsanayd ee Dawladdii la wada dhistay.” Ayuu yidhi




Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagoo la hadlay dhigiisa somaliya, difaacayana qadiyada dalkiisa wuxuu yidhi “Madaxweynaha Somaliya waxa uu yidhi goosashada Somaliland in ay tahay caadifad, waxaan u sheegayaa in aanay caadifad ahayne in halgan dheer loo soo galay, waxaan leeyahay Caadifad maahee waa qadiyad dhab ah oo ay reer Koonfureedku keeneen, Somaliland-na waa Dal jira oo beesha Caalamku la xidhiidho wakhti kasta oo ay qaadatana waa mid jiraysa.”.




Gobanimonews




Hargeysa Office