Sunday, June 30, 2013

Wasiirka xilka wareejinaya ee Hawlaha Guud oo dhaqangeliyey liisanka cusub ee waddo-marista somaliland


Hargeysa (GNA)Wasiirka  wareejinaya xilkka wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa maanta xadhiga ka jaray Liisamada Cusub ee Waddo-marista oo lagaga dhaqmi doono Guud ahaanba carriga Somaliland.




Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland, islamarkaana ay ka soo qaybgaleen madaxda wasaaraddaas, hogaanka sare ee shirkadda Masuulka ka ah samaynta liisamada cusub, qurbo-joog, cuqaal, waxgarad, dad diyaar u ahaa inay liisanka cusub qaataan iyo marti  sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa lagu iclaamiyey dhaqangalka liisanka cusub.




Ugu horrayn wasiirkii hore ee wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka Iyo Guryeynta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu liisankani yahay mid dalka qiimo qeyn u leh oo baahi weyn loo qabay in qaadashadiisa la hirgeliyo,  “Maadaama arrinta liisanku ay tahay mid aad xaasaasi u ah waxanu islagaranay inaan hawshan la fududaysan oo xil dheeri ah la  iska saaro, tababar buuxa ayaanu bixinaynaa, kooxdanna waxanu maanta farta ka saaraynaa liisamadoodii , waxana aanu Go’aan ku gaadhnay in wacyigelin badan la siiyo dadka darawaliinta ah ee Gaadiidka wata si  aynu ula jaanqaadno habka ay dunidu maanta ku dhaqanto ee liisamada lgu bixiyo.” Ayuu yidhi wasiirkii hore ee Wasaaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeyntu.




Sidoo kale waxa uu xaabsade  tilmaamay  in liisanka cusubi yahay  mid macluumaad badan xambaarsan oo wax badan ka caawin kara ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo haatan dhibaato badan ku qaba liisamada gaboobay ee dalka Somaliland laga isticmaalo, waxana uu yidhi, “Liisankani waa mid casri ah oo la mid ah kuwa adduunka laga isticmaalo, waana  mid koobsaday macluumaad aad u muhiim ah oo dhamaanba ciidanka ilaalada Nabadgelyada waddooyinka ka caawinaya inay shaqadooda si hawl yar u gutaan oo aanay u dhibtoon sidii ay ugu dhibtoon jireen liisamadii qadiimiga ahaa ee dalkeena laga istimaali jirey, waana Electronic macluumaad badan huwan oo aan la foojargarayn Karin, dalkana faa’iido badan ayuu u leh.”




Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta, ayaa in badan ku soo hawllanayd inay dalka ka hirgeliso liisankan cusub ee casriga ah, kaas oo lagu kantarooli doono hab (Database ah), iyadoo Askariga Taraafiga ahi haddii uu u baahdo macluumaad qof leeyahay uu si fudud ula soo hadli doono xafiiska liisamada, waxana si fudud macluumaadka qofkaas  oo (Database ah).




Waxyaabaha kale ee liisankan ka dhex muuqan doona nooca dhiigga qofka oo muhiim u ah in la ogaado marka uu darawalku shil galo, si ay dhakhtarka ugu fududaato inuu u gurmado darawalka dhiigbaxay.




Liisankan cusub  oo ah mid casri ah, islamarkaana la jaanqaadaya kuwa dunida casriga ah laga isticmaalo, ayaa waxa uu wax weyn ka tari doonaa baahidii shacabku u qabeen inay helaan liisan tayo sare leh iyo jaahwareerkii ay ciidamada ilaalada           Nabadeglyada waddooyinku ku  qabeen liisamada Gaboobay oo si fudud loo foojargayn jirey.




Ugu dambayntii qaar ka mid ah Qurbo-joogga reer Somaliland oo madashaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin liisankan cusub ee Somaliland ka qaateen, waxana ay ka marag kaceen inuu la mid yahay kuwa caalamka laga qaato.