Tuesday, June 25, 2013

Prof: Samatar: Anigu Waxaan caddaynayaa inaan Somaliland Qaran-nimadeeda meel walba gaadhsiinayo.


(GNA) Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u shaaciyey mawqifka uu ka aamminsan yahay qaddiyadda Iyo Gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo waxa uu ku dhaqaaqi doono.




Prof: Samatar ayaa shaaca ka qaaday hadal in badan dadweynaha reer Somaliland ka sugayeen afkiisa in uu mar uun ka soo baxo, ka dib markii uu soo dhammeeyey badi gobollada dalka Somaliland. Waxaanu Prof: Axmed Ismaaciil Samatar sidaa ku sheegay waraysi Gaar ah oo uu caawa siiyey Wariye Muniir Axmed Cigaal Oo Ka Mid Ah  TV-ga Qaranka Somaliland.




“Dalka Soomaaliya 53 sannadood oo uu xor ahaa Madaxweyne Somaliland ahi ma qaban jagada Madaxweynennimada Soomaaliya, taasina waxay caddaynaysaa in aanay halkaa hambo siyaasadeed mooyee wax kale u oollin. Aniguna waxaan caddaynayaa inaan Somaliland Qarannimadeeda meel walba gaadhsiiyo.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Samatar.




Waxaanu intaas ku ladhay; “Somaliland Geeska Afrika Dal ka jira ayey noqon doontaa, aniguna aan wixii aan la qaban karo la qabto.”




Hadalkan ka soo yeedhay Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee soo afjara warar ay Warbaahinta Somaliland si weyn u qaadaa-dhigaysay maalmihii ugu dambeeyey, isla markaana Siyaasiyiinta dalka qaarkood ku dhalliileen inaanu caddaynin mawqifka uu ka aamminsan yahay gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.