Sunday, June 30, 2013

Kismaayo oo Xero-dhiig Noqotay, Kenyaatiga oo Qoys dhan ku Xasuuqay maanta iyo Dawlada oo Aweys ku Mashquulsan


Kismaayo(GNA)-Ciidamada kenya ee sugan magaalada kismaayo ayaa maanta rasaas ku furey dad rayid ah, waxaana halkaasna ku qudhbaxay  hooyo iyo dhawr caruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ku dhintay Rasaas Ciidamada Kenya rideen, ka dib qarax lala eegtay oo Askar badani kaga dhimatay.




Goob-joogayaal, ayaa ku soo waramaya in Qoyskaasi oo aan tiradooda la cayimin ay guud ahaanba ku qudh-baxeen Rasaas Daran-dooriya oo ay mariyeen Ciidanku, waxaanu warku intaasi ku darayaa in Odaygii Qoyska lahaa oo Guriga ka maqnaa uun falkaasi ka uu ka badbaaday.




Dilkan oo ay shacbiga Magaaladu ku tilmaameen Xasuuq aan loo aabo yeelayn oo lagu bartilmaameedsanayo shacbiga Magaalada, ayaa walaac weyn ku abuuray Bulshada, waxaanay ka muujiyeen Argagax xoogan iyo naxdin fara badan.




Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Qaraxyo gooni gooni ah oo Khasaare badan geystay lala beegsaday maanta Kolanyooyin ka mid ah Ciidamada AMISOM ee Magaaladaasi ku sugan, kuwaasoo sida la sheegay la arkayay iyagoo Maydad badan iyo askar ka dhaawacantay meelaha qaarkood ka guraya.




Qaraxyadan ayaa ku soo beegmaya xili ay Magaalada  ka taaganyihiin saansaan colaadeed,magaalada gudaheedana laga maqlayo daryanka rasaas aan la ogayn cida isku rideysa oo ay ridayaan Kooxaha isdiidaan ee Magaaladaasi ka arimiyaa.




Dhinaca kale, Dhinacyada ku Dagaalamaya Magaaladaasi ayaa labadooduba guulo ka sheeganayaan Dagaalkii dhex maray maalmihii la soo dhaafay, waxaanay Xoogaga Raaskaambooni iyo kuwa Barre Hiraaleba sheegayaan inay iyagu gacanta ku hayaan inta badan qaybaha Magalada.




Dadka ka faalooda arrimaha amaanka ayaa qaraxyadan u sibir-saaraya inay ka dambeeyaan Kooxda Alshabaab oo ka faa’idaysanaya Xiisada siyaasadeed ee halkaasi ka oogan, kuwaasoo xili horeba mar ay colaadani taagnayd Weeraro hubaysan ku soo qaaday Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada iyo meelo kale oo Muhiim ah.




Dawlada federaalka somaliya ayaa xiligan u muuqata inay xalinta mushkiladda Kismaayo kaga mashquushay soo dhaweynta Waddaadka ka soo baxsaday Als-shabaab ee xasan Daahir Aweys.




Waayo, dawladu ma soo faro-gelin ilaa hada Dagaalo foolka fool ah oo afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Kismaayo, kuwaasoo intii ay socdeen Ciidamada Kenya Af-duubeen Sarkaalkii ugu sareeyay Ciidamada Xooga Dalka Somaliya ee Goboladda Jubbooyinka.




Si kstaba ha ahaatee waxa la eegi doonaa halka ay ku dambeyso Xaalada amni ee ka soo daraysa ee Magaalo Xeebeedka Kismaayo oo iminka u muuqata inay noqotay Xero-dhiig Ciidamada AMISOM ee Kenya iyo Kooxaha ku hirdamaya sheegada Maamulka Jubaland Birta iskaga aslaan.




Gobanimonews




Muqdisho Office