Saturday, June 29, 2013

Somaliland oo Badhan ka Xoraysay Puntland iyo Saraakiil laga Eryay Dhahar






Badhan(GNA)-Dawlada Somaliland ayaa markii labaad Degmada Dhahar, shalay dib uga caydhisay Saraakiil ka socda Xafiiska Doorashooyinka Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe oo halkaasi u yimi inay tababaro siiyaan shaqaale loogu talo-galay inay ka shaqeeyaan Doorashooyinka Golayaasha deeganka Puntland oo Maamulka Faroole Doonayay inuu ka hirgeliyo deegaanada Bariga Sanaag ee Somaliland.




Ciidanka Amniga oo kaashanaya Milateriga Aaga Gobolka Badhan, ayaa  Magaalada Dhahar ka cadhiyay Saraakiishaasi oo laba maalmood ka horna sidan oo kale looga hor-istaagay Degmada Badhan ee xarunta Gobolka Badhan, sida ay Saraakkiisha Milateriga ee Aagaasi Gobanimonews u xaqiijiyeen.




Saraakiil ka tirsan Ciidanka Amniga Gobolka ayaa Wargeyska Dawan u xaqiijiyay inay degmada Dhahar ka baacsadeen Koox ka tirsan Guddida Doorashooyinka Puntland oo u socday hawlaha Doorashada Maamulka Garowe oo Dadka Deegaanka la doonayo in lagu khasbo.




Dhinaca kale, Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo biyaha Xukuumadda Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan, oo ka mid ah siyaasiyiinta Deegaankaasi ka soo jeeda, ayaa sheegay in Ciidamada Qaranka iyo kuwa Bilayska Gobolku Hawl-gal ay qaadeen labadii maalmood ee u dambeeyay  Magaalooyinka  Badhan iyo Dhahar  ay kaga eryeen Saraakiil ka yimi Garowe oo ka socda Komishanka Doorashooyinka Puntland, kuwaasoo ujeedka Socdaalkoodu ahaa inay fuliyaan hawlo la xidhiidha Doorashooyinka Maamulkaasi qabsanayo.




Cabdisalaan Maxamed Xasan, ayaa sheegay in Ciidanka Amniga Somaliland  damcay inay xidh-xidhaan kooxda laga cadhiyay Badhan maalmo ka hor, balse Maslaxad iyo waan-waan ay Odayaasha Degmadu sameeyeen lagaga saaray magaalada.




“Magaalada Dhahar Maanta (Shalay) waxa ka dhacay Saraakiil ka socda Xafiiska Doorashooyinka Puntland ayaa yimi oo doonayay inay hawlo doorashadooda khuseeya ka fuliyaan, ka dibna Ciidanka Qaranka ee aagaas iyo kuwa amniga ayaa talaabo ka qaaday, kana eryay magaalada”sidaasi waxa  Dawan u sheegay Wasiir Cabdisalaan Maxamed oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay.




“arintan Maanta (shalay) dhacday uun maahee, laba maalmood ka horna Ciidanka amnig waxay ka hortageen oo magaalada badhan ka cadhiyeen koox kale oo iyaguna arintaa Doorashada puntland u socda, kuwaasoo Ciidanku hawl-gal hudheelka ay degenaayeen uu ku qaaday oo la doonayay in lagu soo xidh-xidho,  laakiinse ay Odayaasha Deegaanku soo dhex galeen oo ay Ciidanka ka maslaxeen, iyagana ku yidhaahdeen iska baxa”ayuu mar kale Sheegay Cabdisalaan.




Wasiirka ayaa arimahan ku tilmaamay faro gelin iyo Xiisad abuuris ka imanaysa dhinaca Puntland oo lagu khal-khal gelinayo amaanka Gobolka, taasoo uu soo jeediyay Maamulka faroole inuu joojiyo, hadii kale ay dawlad ahaan talaabo adag qaadayaa wixii hada ka dambeeya.




“Maamulka Puntland wuxuu doonayaa inay Doorasho ka hirgeliyaan Deegaamadan Gobolka ee Somaliland, taasina wax suurto geliya maah, horena waanu ugu sheegnay, dadkuna waxay ogolyihiin maaha dawladuna waxay ogoshahay maaha, markaa waxaan leeyahay Maamulkaasi naga daaya faro gelinta, hadii kale wixii hada ka dambeeya annana talaabo adag ayaanu qaadi doonaa”.ayuu yidhi.




Ma jiro war wax ah oo ka soo dhinacca Maamul Goboleedka puntland oo ku saabsan joojinta Somaliland ka joojisay Deegaamada Gobolka Badhan.




Gobanimonews




Ceerigaabo Office