Saturday, June 29, 2013

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Jawaabka Bixiyay Hadalka Soo Yeedhay Masuulka Tirsan Xisbiga Wadani


Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Jawaabka Bixiyay Hadalka Soo Yeedhay Masuulka Tirsan Xisbiga Wadani








Xoghayaha (Gobanimonews)2013/6/29-Warfaafinta Xisbiga UCID  Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa Jawaab ka bixiyay hadalka soo yeedhay Eng:Axmed Cali Ubaxle oo ah Xoghayaha Arimaha Guddaha ee Xisbiga Mucaarika ah ee Wadani oo sheegay in uu filaayay inuu Guddoomiyaha Xisbiga UCID eng:Faysal Cali Waraabe loo magaacaabidoono Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland.




Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID  Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo Xalay Wargeyska Saxansaxo u la soo xidhiidhay ayaa isaga oo daba socda hadalkaasi hore uu mr Ubaxle uga sheegay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe,ayaa sheegay inuu la yaabay sababta ninkaasi Guddoomiyahooda Xisbiga UCID uu hadalka meelka dhaca ah uga sheegay,waxana Xoghaye yuusuf uu sheegay Eedeeyay inu mr Ubaxle yahay nin Xisbiyadda Mucaaridka ah ee WADANI iyo UCID uu fidmo kala dhexdhigaayo isla markaana ninkaasi aanu ahayn mid danaha Xisbiga Wadani iyo Xubinimadda uu xisbigaasi ka hayo aanu ku adeegayne uu danaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo afkiisa ku shaqeeyo oo ku hadlaayo.




Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID  Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo arimahaasi ka hadlaayay waxa uu yidhi “Waxa aan doonaya in aan ka jawaabo waxna ka idhaahdo hadal deelqaaf iyo gef ku ah siyaasadda Somaliland oo ka soo yeedhay nin isku magacaabay inu yahay Xoghayaha Arimaha Guddaha ee Xisbiga WADANI oo lagu magacaabo Axmed Cali Ubaxle,run ahaantii hadalka ninkaasi ka soo yeedhay oo intii aragtayba la yaabtay waxa uu ku sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe uu filaayay waa isaga(Mr Ubaxle) ee in loo magacaabidoono Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland,arinta kale ee aan sida wayn ula yaabay waxa weeyaan hadana waxa uu yidhi Xilka loo magacaabay Cali Waran-cade ee Wasiirka Arimaha Guddaha waan soo dhawaynayna oo hiil iyo hooba waan la garab taaganahay,horta waxa su’aashu tahay  ma Xusbul xaakinka KULMIYE ayuu u hadlalyaa mise Xisbiga uu magaciisa isku qoraayo ayuu ka tirsan yahay”




Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Somalidu waxay tidhaahda waxa uurkaaga ku jira ayuu afku kaabooba hadaba waxa aan leeyahay adeer Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe waxa uu Madaxka yahay Xisbi qaran waxa uu u tartamay Madaxweyne in kasta oonu ku guulaysan hadana waxa uu muujiyay awood taageero iyo mid dublo maasino oo markii laga guulaystay wuu  hamblyeeyay Madaxdii ka guulasatay marka Faysal oo Madaxweyne shalay u tartamay in aad ku tiraahdo waxa uu doonaayay iyo waxa aan doonaayay in la magacaabo horta marka hadalkaaga la miisaamo macnawiyan waxa ay u muuqata laba arimood midkood ta koobaad waxa weeyaan in ay aqoon xumo iyo Qardo jeex iyo Jaahwareer dhanka Siyaasadda ahi ku hayso oonod garanayn sida wax loo sheego mida labaadna waxa weeyaan in aad doonayso Labada Xisbigi qaran ee Mucaaridka ah ee UCID iyo WADANI in aad fidno kala dhex dhigto”




Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID  Yuusuf Kayse Cabdilaahi waxa uu intaas raaciyay “Haba waxa aan leeyahay Xisbiyada Mucaaridka ahi uma baahna cid meel kale u adeegta oo lugta kula jirta isla markaana fidmo ku soo dhextuurta ee waa inay Xisbiga WADANI iska dhex qabtaan ninkan Afka KULMIYE ku hadlaaya hadana sheeganaaya inu ka tirsan yahay Xisbiga WADANI waxa aan huba in marar badan oo hore uu sida hada si badheedh ah afka kulmiye ugu hadlay isago hadana sheeganaaya oo huwan inu ka tirsan yahay  Xisbiga uu hada sheegtay,waxanan huba oo kale in uu Koontaraad ku soo qaatay in uu afka kulmiye meelahaasi kaga hadlo oo waliba uu dab kala dhex dhigo Axsaabta Mucaaridka ah isago waliba doonaaya in uu burburiyo Xisbiga WADANI,ugu danbeytii waxa aan u soo jeedinayaa walaalahayaga Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani inay iska qabtaan ninkaasi danaha dadka kale u adeegaya”




 




Wariye:Mr Hudle




Shabachudle@gmail.com




Gobanimonews@gmail.com/Hargeysa office/Somaliland