Thursday, June 27, 2013

Waa kuma Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland, muxuuse ka yidhi Faro-gelinta Puntland?


Hargeysa (GNA) - Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Buureed, ayaa maalin uun ka dib markii uu Madaxweynuhu u magacaabay Xilkaasi shaaca ka qaaday in aanay Somaliland u dul qaadan doonin faro Gelinta Maamulka Puntland ku hayo Deegaamo ku yaala Bariga Somaliland.




Isagoo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa wuxuu sheegay “Niman baa yimid oo waxa ay yidhaahdeen ololeyaal xisbi iyo wax baanu ka samayn doonaa, dee sida aad la socotaan hadda Faroole oo Puntland Madax ka ah, wuxuu isku dayayaa in uu shacabkaas ka leexiyo rabitaankooda, walibana uu afduub ku sameeyo, taasina xagan ka suurtoobimayso, markaa wax weyn maaha insha Allaah” ayuu yidhi.




Cali Jaamac Buureed ayaa ka mid ah xubnaha ku jira Golaha Wasiiradda xukuumadda siilaanyo ee ku cusub Saaxadda Siyaasadda Somaliland, waxaanu mudo ka hor ka soo digo rogtay dhinaca Garowe iyo Maamul Goboleedka puntland oo sida la sheegay uu xilal ka soo qabtay.




waxaanu mar ahaa Wasiir u dawlaha Madaxtooyada puntland, oo uu mudo dheer ahaa, iyadoo uu ahaa xilkii ugu dambeeyay ee uu ka soo qabtay xagaasi.




Mudo dhawr sanadood ah ayuu ku sugnaa Somaliland, waxaanu ka mid ahaa siyaasiyiinta ka soo duday maamulka faroole ee Bariga Sanaag ka soo jeeda, ka dibna u soo wareegay Somaliland.




Gobanimonews




Hargeysa Office