Thursday, June 27, 2013

Munaasibado lagu Xusayo 26 june oo Caawa ka Dhacay Muqdisho iyo Hargeysa






Muqdisho(GNA)-Munaasibaddo lagu xusayo sanad Guurada 53-aad ka soo wareegtay markii ay Boqortooyada Ingriisku Xornimada siisay Goboladda Somaliland oo ku beegnayd 26 bisha June 1960-kii, ayaa caawa lagu qabtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, khaas ahaan Madaxtooyada somaliand iyo  Villa Somaliya.




Labadan Munaasibadood, ayaa waxa soo qabanqaabiyay labada Maamul ee Somaliland iyo somaliya oo siyaasiyan xiligan aad ugu kala fog Midnimadii ay Goboladda Waqooyi xoriyadii ay qaateen wakhtigaasi 1 Jully ee isla sanadkaasi ay kula biireen Goboladdii Koonfurta oo afar Maalmood ka dib Gobanimada ka qaatay Talyaaniga.




Madaxweyneyaasha labada dhinaca  ayaa ka qayb-gelay Munaasibadahaasi, waxaanay ka jeediyeen Khudbado ku saabsan Maalintan iyo qiimaha ay ugu fadhido Mujtamaca somaliyeed oo ay u hayd markii ugu horaysay ee Calan Somaliyeed laga taago Dhulka Somalidu degto.




Somaliland ayaa sanadihii hore si weyn looga xusi jiray 26 June, waxaana Xaflado  balaadhan lagu qaban jiray Magaalooyinka waaweyn ee dalka, hase ahaatee waxaad moodaa in beryahan dambe ay si weyn u shiiqday xuska Xornimadii Ingiriiska laga qaatay, kana miisaan culustahay 18 May oo ahayd markii Somaliland dib uga goosatay Midnimadii Somaliya 1991-kii.




Dawlada Somaliya ayaa dhawaan sheegtay inay sanadkan si weyn u waynaynayso 26 June iyo 1 Jully (1 Luulyo), oo ahayd markii Midnimada Goboladda Waqooyiga iyo Koonfurta, taasoo Reer somaliland u ah Maalin Madow.




Guud ahaan Goboladda Somaliland, waxa maanta fasax ahaa Goobaha Shaqada ee dawlada iyo adeega, maadaama 26june ka mid tahay Maalmaha Qaranku leeyahay, Muqdishona waxay sidaasoo kale.




Laakiinse dadka waayeelka ah ee Reer Somaliland waxay tebayaan weynaynta Maalintaasi oo ay Dawlada ku dhaliilayaan sababta hoos ay ugu dhigtay, qiimaha markii xornimada la siiyay, iyadoo dadka arintaasi dareensan ay ugu badanyihiin kuwii goob-jooga ahaa Maalintii laysku bedelay labada Calan ee Ingiirka iyo kii Somaliland la siiyay markaasi.




Gobanimonews




Muqdisho Office