Friday, June 28, 2013

Madaxwaynaha Dalkaasi Masar Oo Sheegay In Khaladaad Sameeyay Intii Uu Xilka Hayay ..


Qaahira-(GNA) Maxamed Morsi ayaa sheegay in intii uu xilka qabtay ay jiraan khaladaad badan oo uu sameeyey, balse dhanka kalena uu waxyaabo badan saxay.




Maxamed Morsi ayaa ka hadlay dadaalka ay xukuumadiisa ugu jirto in kacdoonkii Masar kadib ay wax badan ka bedalaan qaabka maamulka ee wadankaasi, wuxuuse qiray inay jiraan arrimo badan oo wakhti qaadanaya. Wuxuu si gaar ah uga hadlay amniga iyo dhaqaalaha, isagoo sheegay in arrimahaasi aan guul laga gaari kari hadii aysan dowlada taageero ka helin oo aan fursad loo siin inay wax ka qabtaan.




Madaxweyne Morsi ayaa ka hadlay in wax laga bedalo dastuurka dalka Masar isagoo dhinaca kalena Wasiirka Arrimaha Dibada ugu baaqay inuu dhiso ciidamo gaar ah oo la dagaalama kooxaha khal khalka ka wada dalkaasi Masar.




Saacado kahor khudbada madaxweynaha ayuu ugu yaraan hal qof ku dhintay shaqaaqooyin ka dhacay magaalooyinka qaarkood. Magaalada Mansuur oo uu kasoo jeedo Maxamed Morsi ayaa mudaharaadka ka dhacay ay mucaaridka burbur u geysteen xarunta xafiiska Akhwaan muslimiinka ee magaaladaasi.




Maalinimada Axada ah ee soo socota ayey mucaaridka ku baaqeen in markale la bilaabo isu soo baxyadii looga soo horjeeday Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Morsi.