Saturday, June 29, 2013

Chelsea Oo Lagu Waramayo Inay Heshiis Shaqsi Ah La Gaartay Edinson Cavani.


Mediaset ayaa sheeganeysa in Edinson Cavani uu ogolaaday heshiis 7.2 milyan ginni uu ku qaadanayo mushahar ahaan uu la gaaray Chelsea, laakiin haatan ay tahay kooxda Blues inay ka dhaadhiciso Napoli inay hoos u dhigaan qiimaha ay duldhigeen ciyaaryahanka.




Weeraryahanka ayaa weli ku sugan Brazil isagoo la maqan xulkiisa Uruguay waa kulan kaalinta 3aad loogu tartamayo berrito la ciyaaraya Italy.




Sida ay sheegeyso SportMediaset, wakiilada Cavani ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Chelsea, oo ay ku jirto heshiis uu shan sanno ku saxiixayo islamarkaana uu xilli ciyaareedkii ku qaadanayo 8.5 milyan euro oo u dhiganta ku dhawaad 7.2 milyan ginni.




Si kastaba, kooxda Stamford Bridge ka dhisan ayaan dooneynin inay bixiyaan lacagta Napoli ay dooneyso ee ah 63 milyan euro, lacagtaasoo ah lacagta qandaraaska xiddiga reer Uruguay lagu burburin karo.




Cavani ayaa sheegay isbuucaan inuu wadahadalo waji ka waji ah la yeelan doono madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis sida ugu dhaqsiyaha badan.




 




 




Milkiilaha Napoli ayaase ku jawaabay inaysan muhim aheyn inay kulmaan, isagoo sheegay inay weeraryahanka ku fasixi doonaan kaliya hadii koox ay la imaado lacagta qandaraaskiisa lagu burburin karo.




Waxaa la rumeysan yahay in Man City ay isaga baxday tartanka Cavani, halka Real Madrid ay u jeesanayaan Luis Suarez.