Sunday, June 30, 2013

15 ruux ayaa ku dhimatay halka 25 ay ku dhaawacmeen qarax xoogan oo ka dhacay gobolka Peshawar ee dalka Pakistan


(GNA) Qarax loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay walxaha qarxa oo lala damacsanaa Kolonyo gawaari ay wateen  ciidamada dalka Pakistan oo iyagu howl galo ka waday gudaha gobolka Peshawar ayaa waxaa waxa ku dhmatay ugu yaraan 15 ruux halka 25 kalena ay ku dhaawacmeen.




Qaraxaan ayaa imaanaya xili Ra’isul Wasaaraha dalka Britain David Cameeron uu booqashao ku joogo caasimada dalka Pakistan Islamabad.




Afhayeen ciidamada Gobolka Peshawar Jamil Shah oo isagu uwaramayay wakaalada Wararka AFP ayaa u xaqiijiyay tirada ku dhimatay qaraxa uu ku sheegay iney tiro ahaan gaarayaan 15 ruux halka dhaawacuna uu gaarayo 25 ruux oo isugu jira kuwo dhaawac halis ah iyo kuwo fudud oo dhamaantooda la dhigay Isbitaalka dowladda ee ku yaalla gobolka Peshawar.