Saturday, June 29, 2013

Musliminta dalka China ee ku dhaqan dalka Turkiga oo gubay calanka dalka China iyo rabshado ka soconaya China oo u dhexeya Musliminta China iyo Shuuciyada:


(GNA) Rabshadaha ka aloosan gobolka ay degan yihiin  Muslimiinta laga tirada badan yahay dalka China  Uighurs ayaa la xaqiijinayaa in ay ka dhaceen rabshado kale oo ka dhigaysa tirada dhimashada 34 ruux.




Rabshadahani ayaa waxa ay salka ku haayaan dhawaan rabshado iyo weeraro qorsheysnaa oo ay ku qaadeen ragg ka tirsanaa Muslimiinta gobolka Uighurs degmada Xinjiang saldhig Boolis iyo xarun dowladda hoose dalka China oo ku taallay isla deegaanka ay weerarada ku qaadeen.




Maalinimadii shalay ayaa waxay sheegayaan wararka inuu ka dhacay banaax bax dalka Turkiga oo ay ku gubeen calanka dalka China tiro yar oo kasoo jeeda Muslimiinta dalka China oo iyagu ku nool dalka Turkiga, dadka banaan banxayaasha ayaa isugu soo hor baxay safaarada China ay ku leedahay dalka Turkiga.




Muslimiinta dalka China ayaa aalaba iyagu aan loo ogolaanin iney kasoo dhex muuqdaan dalka China xili laga tiro badanyahay waxayna sheegeen dadkii shalay isugu soo baxay dalka Turkiga iney wali jirto cadaadiska iyo diin naceybka ay kala kulmaan dadka kale ee shuucida Shiinaha taas oo keentay in qaar kamid ah Muslimiinta China ay isaga cararaan dalka China