Thursday, June 27, 2013

Dawlada Somaliya iyo Norway oo Heshiis kala Saxeexday






Muqdisho(GNA)-Dawlada Federalka ah ee Somaliya ayaa heshiis iskaashi iyo wada-shaqayn lagu sifeeyay la gashay Dalka Norway, ka dib kulan maanta  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud Muqdisho  kula yeeshay wafdi ka socday dalka Norway oo uu hoggaaminaay wasiirka horumarinta iyo xiriirka Caalamiga ah  ee Norway, Heikki Holmes.




Kulankan oo ay Xasan Sheikh Maxamuud ku wehelinayeen xubno ka mid ah Golihiisa Wasaaraddu, ayaa waxyaabaha lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa xidhiidhka labada dal iyo sidii Norway ay uga qeyb-qaadan lahayd dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.




Kulankaasi ka dib Wasiirka Norway iyo wasiiradda arrimaha dibadda Somalia ayaa warbaahinta horteeda ku kala saxiixday heshiis lagu soo celinayo xiriirkii labada dal horay uga dhexeeyay iyo inay iskaashi kawada yeesheen dib-u-dhiska Soomaaliya.




“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in Mr. Holmes uu yimaado Muqdisho, waxayna tani tusaale u tahay sida dalka Norway ay uga go’an tahay in xiriirkii labada dal lasoo nooleeyo oo heshiiskii maanta uu calaamad u yahay in Soomaaliya ay maanta si siman heshiisyo caalami ah ula saxiixato dalalka horay u maray. Waxaan kaloo uga mahadcelinaynaa Norway geesinimada dheeraadka ah oo ay si toos ah ula shaqeyneyso dowladda oo ay si toos ah ugu soo gubinayaan kaalmadooda ku wajahan dib-u-dhiska dalka” ayuu shir jaraa’id ka sheegay madaxweynaha Soomaaliya.




Ugu dambeyn, madaxweynahu waxuu ka codsaday beesha caalamka inay ku daydaan Norway oo ay si toos ah ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya si ay u sahlanaato in adeegyada bulshada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.




Wasiirka horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah ee Nowray oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in heshiis noocan oo kale ah uu la saxiixdo Soomaaliya, isagoo ballanqaaday in dalkiisu uu kaalin mug leh ku yeelan doono dib u dhiska Soomaaliya.




Gobanimonews




Muqdisho Office