Sunday, June 30, 2013

Maxamuud-wadka oo Xildhibaanimo loo Dhaariyay todoba sanadood oo uu Suge ahaa ka dib






Hargeysa(GNA)- Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa 25-kii bishan Mudane Baarlamaan u dhaarisay  oo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, oo buuxiyay xubinimadii ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) oo dhawaan geeriyooday.




Xildhibaan. Maxamuud Jaamac Warfaa, oo xiligan ku jiray kaydka koowaad ee Murashaxiintii doorashadii Wakiiladda ee xisbiga KULMIYE gobolka Maroodi-jeex, ayaa ka hadlay xubinimada baarlamaanka ee uu buuxiyay sida sharciga xeerka doorashooyinku dhigayo.
“Anigu waxaan ahaa kayd sugaha saddexaad xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-Jeex, waxaa iga horeeyay Alle ha u naxariisto’e C/laahi Mahdi oo geeriyooday, waxa ku xigay C/laahi Balaki oo bedalay C/casiis Maxamed Samaale oo laga dhigay Wasiirka Maaliyadda. waxaan markaa noqdey kayd sugihii koowaad, markaa waxaan buuxiyay xubinimadii uu Baneeyay ILAAHAY ha u naxariistee Marxuum Axmed-weyne, Bishan 25keedii ayaa maxkamadda sare ii dhaarisay inaan ka mid noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada, komishanku ayaana markii hore ii soo gudbiyay ka dib markii ay dib-u-eegis ku sameeyeen ee ay hubiyeen liiskii xildhibaanadii kaydka ahaa,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo xalay u waramayay wargeyska DAWAN.




Xildhibaanku waxa uu tacsi u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday ALLE ha u naxariistee Marxuum-Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) oo uu tilmaamay inay saaxiib ahaayeen isla markaana ka wada tirsanaayeen muddo dheer xisbiga tallada haya ee KULMIYE. Xildhibaan. Maxamuud Jaamac Warfaa, waxa uu sheegay inaanay isku mid ahayn habka laysku bedalo labada Gole baarlamanka Wakiilada iyo Guurtida waxaanu tilmaamay.




Golaha wakiilada laysku badalo nidaam xisbi iyo doorasho halka . Golaha Guurtida laysku bedalo oo loo kala dhaxlo hanaan beeleed. Xildhibaan. Maxamuud Jaamac Warfaa,oo  la waydiiyay aragtidiisa isku shaadhaynta Madaxwaynuhu ku sameeyay Golaha Wasiirrada, waxa uu ku jawaabay “Madaxwaynuhu isagaa xaq-u-leh inuu isku bedalo Golahiisa Wasiirrada, mar walbana marxalad gaara ayaa lagu jiraa markaa cidii uu u arko inay marxalad ka gudbin karta oo hawlahaa la qab karta ayuu diranayaa.” Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray “Wasiirrada cusub dhamaan waan hambalyaynayaa waaanan soo dhaweynayaa waxaan lee yahay ummadu waxay idiinka fadhidaa wax qabad, madaxwaynaha inaad hawsha iyo waxqabadka uu idiin diray ku raali galisaan ayaa la idinka filayaa.”




Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa waa Guddoomiye Ku xigeenka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo uu hore u soo qabtay xilka Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta xiligaasi oo laga qaaday 2003-dii ka dibna waxa uu ku biiray xisbiga talladda haya ee KULMIYE. Waana siyaasi degan oo dad la socod leh.




Kursiga Golaha wakiiladda ayuu ka dhaxlay Marxuum Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) oo ay Xisbiga kulmiye ka wada tartameen Sanadkii  2005-tii markii Doorashooyinka Baarlamanka la qabtay.




Wuxuu noqonayaa Xildhibaankii labaad ee sanadkan gudihiisa fursada mudane hela, waxaana hore Golaha ugu soo biiray Xildhibaan cabdilaahi Blacki oo galay xubinimadii Wasiirka Maaliyadda.




Gobanimonews




Hargeysa Office