Thursday, June 27, 2013

Faahfaahin: Maydadka 3 Qof oo laga Helay Duleedka Berbera iyo Bilayska oo ka Waramay Dhimashadooda


Berbera(GNA)-Maydadka Laba qof oo sida la sheegay Isdhalay ayaa laga helay  Deegaan Xeebeedka Biyo Kulule oo Hilaadii 10KM u jira Magaalada Berbera,nin kale oo Bilaysku sheegeen inaanu Xiskiisu dhamayna waxa Maydkiisa laga helay meel dhinaca Bari ka xigta Magaalada.
 Labada Marxuum ee laga helay Biyo-kulule oo Odayga Da'diisa lagu sheegay 80 jir, wiilkana ilaa 40 jir ayaa maanta lagu aasay isla deegaanka Biyo-kullule, sida uu Gobanimonews u xaqiijiyay Taliyaha Qaybta Bilayska Gobolka Saaxil Cabdi Cali, kaasoo dhinaca kale sheegay in Bilaysku baadhis ku hayo Dhimasha Nin kale oo shalay la helay.
 Maydka laba Marxuum ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inuu mudo halkaasi yaalay,soona sheegeen dadka Reer Miyi ah oo ka agdhaw Biyo-kulule, waxaana Ciidanka Bilasku sheegeen  inay labada qof iskood u dhinteen, ka dib socoto ay ku yimaadeen deegaankaasi oo Dabiib Caafimaad iyo Daawasho loo tago xiliga Cimiladu qabowdahay, laakiinse xiligan oo kale Cimiladeedu aad u sarayso.
 Taliyaha qaybta Bilayska Gobolka Saaxil Cabdi Cali oo ka waramay Dhimashada saddexdan Ruux ee Maydadkooda la helay labadii maalmood ee u dambeeyay sheegay “Walaal labadaa Nin oo ahaa Wiil iyo Oday Is-dhalay Maydkooda meesha laga helay, waxaanay u dhinteen Dar Ilaahay, Odaygu meeshii uu jiifaybuu ku dhintay inankuna meel aan ka fogayn oo Jar ah inuu ka dhacay waa loo malaynayaa, laakiinse halkaasuu isna ku dhintay”.
Taliyuhu waxa kale oo uu cadeeyay inaan cidna loo aanayn Karin dhimashada labada qof ee laga helay Biyo-kullule “Meeshu xiligan way Kulshahay oo meel lagu noolaan karo maaha, waana cidla oo cidi ma joogto, markaa markii ciidanku tageen waxa dul-yaalay Raashinkii, Lacag iyo Telefoonadoodii gacanta, dee markaa hadda ayuunbaa meeshooda taalay oo geysay, laakiinse xiligan waa madnuuc in la tagaa”ayuu u sheegay Gobanimonews.





Taliyaha qaybta Bilayska Gobolka Saaxil ayaa ugu dambeyn bulshada Gobolka iyo Dadka safarka ku taga Deegaankan Xeebta ku yaala u soo jeediyay inaanay naftooda ku beemayn ilaa Xagaagu baxayo, isagoo dhanka kalena ka hadlay Dhimashada qofka saddexaad ee laga helay Duleedka Magaalada.
Waxaanu yidhi“meeshu maaha meel cidi ku noolaan karto, hadii aanu dadka ka ilaalin lahayn, waayo ciidankii xalay maydkooda Ilaalinayayba way sigteen, markaa waxaan u soo jeedinaaya Dadka inaanay tegin xiligan meesha , way tegi karaan marka cilimadu caadiga tahay, laakiinse xiligan maaha inay tagaan”.
“Ninka kale isagana waxa laga helay halkan ay Waddada Madaarku ka leexato, wuxuu Nin Xuskiisu aanu dhamayn, waxaana la keenay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Dawlada hoose ayaynan ku Wareejinay si loo baafiyo cidiisii, waayo lama aqoonsan, markaa ninkaasina iskiibuu u dhintay, wax nabar ah oo ku yaalaana ma jiro”ayuu yidhi Taliye Cabdi Cali.
Deegaanka Biyo-kulule ayaa loo tagaa xaalad caafimaad oo Dabeeciya, waxaana laga helaa Biyo iyo bi’o ka daawo ah Xanuunadda Jidhka saameeya, Hawadda, waxaana dadka Jinku galo loo geeyaa Dabiib Caafimaad, sida ay noo sheegeen dadka aqoonta dheer u lihi.
Laakiinse waxa madnuuc ah in la tego Bisha May ilaa bisha September ama Xiliga Xagaagu baxo, Heer kulka oo aad u sareeya awgeed.




Gobanimonews




Berbera Office