Tuesday, June 18, 2013

Kismaayo:Ciidamo Kinyaati ah oo ku Le’day Qarax miino iyo Raskaambooni oo Dhaawacday Guddoomiye Raadeer


Kismaayo(GNA)-Qarax xoogan, Wararka ka imanaya Magaallada Kismaayo , ayaa sheegaya in xaafadda Via-Afmadow Qarax Miino lagula beegsaday kolanyo Ciidan ah oo ka tirsan Huwanta AMISOM.




Qaraxan oo lala eegtay Gaadhi ay saarnaayeen Ciidamo Kenyaati, ayaan wax faahfaahin ah laga hayn Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, balse warar isasoo taraya ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawacba jiro, iyadoo uu bur-buray gaadhigii Miinada loo dhigay.




Ma jirto cid sheegatay Masuuliyada Qaraxan oo ka dhashay Miino Dhulka lagu Aasay oo ah nooca meelaha fog-fog laga hago, walina Saraakiisha dawlada iyo kuwa amisom midna kamay hadlin tirrada dhimashada iyo Dhaawac ah.




Dhanka kale Warar isla Magaalada Kismaayo laga helayo ayaa ku waramaya in Guddoomiyaha Magaaladaasi Dhaawac culus ka soo gaadhay madaxa, ka dib markii maanta iska hori-imaad ku dhex maray duleedka magaalada Ciidamo u wato iyo Dablay Isbaaro dhigtay meel wax yar u jirta Magaalada.




Dablayda isbaarada Guddoomiyaha lagu dhaawacay haystay, ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen Xoogaga Raskaambooni, ee Sheikh Axmed Madoobe.




Yaasiin Raadeer ayaa la sheegay inay  Rasaastu Madaxa Kaga dhacday iyadoo loola Cararay Cisbitaalka Magaalada Kismaayo oo haatan Lagu dabiibayo.




Si kastaba ha ahaatee xaalada Magaalada ayaa degen, waxaase jira baadhitaano xogan ay ciidamada dawladu ka wadaan deegaanka Qarax ka dhacay.




Gobanimonews




Muqdisho Office