Tuesday, June 18, 2013

Ciyaaraha Goboladda Somaliland: Gabiley, By By, Hargeysa Guul






Hargeysa(GNA)-Xulka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa 2-1 kaga ku Caraabiyay Gobolka gabiley, Ciyaar Kubadda Cagta ah oo ku dhexmartay Garoonka Hargeysa Stadium.




Gobolka Maroodi-jeex ayaa u fadhiistay Fina-ka Koobka Ciyaaraha Goboladda Somaliland, halka Gabiley sidaasi kaga hadhay tartanka Ciyaaraha, oo ay soo gaadheen Kaalin aad u fiican oo ah isreeb-reebka afarta.




Labada Xul ayaa ciyaar aad u xalad badan ku soo bandhigay kulankan maanta dhex maray, waxaanay Guushu faro cididood ku raacday Gobolka Hargeysa.




Gobolkaa Maroodi-jeex, waxa goolasha u kala dhaliyay Cabdiriyaad iyo Goofindhe.




Taageerayaasha Xulka gobolka Maroodi-jeex, ayaa dabaal-deg ka sameeyay Taaraabuunka garoonka, waxaanay ku dhawaaqayaan “Hargeysa Guul, Hargeysa Guul”.