Hargeysa(GNA)-Xulka Kubadda Cagta ee Hawd ayaa 1-0 ku reebay Daad-madheedh.
Ciyaar aad u xiiso badan oo ka dhacday Garoonka Hargeysa Stadium, ayaa labada kooxood ku soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo xirfad aad u saraysa, waxaana 1-0 Guushu ku raacday Hawd.
Ciyaaryahanka Sheikhaawi ayaa Haafkii dambe ee Ciyaarta Xulka gobolka Hawd u saxeexay Goolka Guusha, waana ciyaartoo tartanka Ciyaaraha Goboladda sanadkii labaad ka qayb-galay
Xulka Gobolka Hawd ayaa noqonaya Kooxda labaad ee u soo baxday Faynalka Koobka gobolada Somaliland, waxaanay isugu soo baxeen Maroodi-jeex oo 2-1 isla galabta ku caraabisay Gabiley.
Jimcaha soo socda ayay Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland shaacisay inay labadan Kooxood yeelaan doonaan Ciyaarta ay ku kala calafsanayaan Koobka Goboladda, sida uu gudaha Garoonka kaga dhawaaqay Agaasimaha Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mustafe qodax.
Hawd iyo Hargeysa, ayaa sanadkii labaad isugu soo baxay Koobka Gobollada Somaliland, waxaana sanadkii 2011-ka oo lagu qabtay Magaalada Burco, Hawd Koobka kaga Guulaystay Maroodi-jeex, taasoo muujinaysa inay yihiin labada xul ee ilaa hada kala haysta Kaalinta Koowaad iyo labaad ee Ciyaaraha Gobolada Somaliland.
Waa markii ugu horaysay ee DAAD-MADHEEDH ka soo qayb-galaan Ciyaaraha, iyadoo ay soo gaadheen Kaalin muhiim ah oo aan laga filayn.
Gobanimonews
Hargeysa Office