Monday, January 13, 2014

Xaflada Ballon d’Or Oo La Qabanayo Maanta ,Abaalmarinada La Bixin Doono iyo 3 musharax oo isugu soo hadhay.


Waxaa maanta magaalada Zurich ee dalka Switzerland lagu qaban doonaa xaflada abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee Ballon d’Or iyadoo sidoo kalena la bixin doono abaalmarino kale iyo weliba line-upka ugu fiican dunida ee sannadka.




 




Abaalmarintan sannadkaan waxaa isagu soo haray ninka difaacanaya ee afartii jeer ee ugu danbeysay ku guuleystay Lionel Messi oo u ciyaara Barcelona iyo Argentina, xiddigii ku guuleystay abaalmarintaan 2008dii Cristiano Ronaldo oo u ciyaarta Real Madrid iyo Portugal iyo xiddiga ay ugu horeyso inuu soo gaaro heerkaan Franck Ribery oo u ciyaara Bayern Munich iyo France.




 




Waxaa sidoo kale la bixin doontaa abaalmarinta macalinka sannadka adduunka oo ay isagu soo hareen Jupp Heynckes oo ah macalinkii hore ee Bayern Munich, Jurgen Klopp oo haatan leyliya Dortmund iyo Sir Alex Ferguson, iyadoo labada hore ay kooxahooda ku hogaamiyeen finalka Champions League halka kan danbe uu Manchester United ku hogaamiyay koobka Premier League ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan.




 




Abaalmarinta kale ee la bixin doono waa xiddigta sannadka adduunka, waxaana ku tartamaya Nadine Angerer, Marta iyo Abby Wambach, iyadoo xidigta Brazil Marta ay hanatay abaalmarintaan shan jeer.




 




Tababaraha xulka hablaha Sweden Pia Sundhage, tababaraha xulka hablaha Germany Silvia Neid iyo tababaraha kooxda hablaha Wolfsburg Ralf Kellermann ayaa iyagana ku tartamaya abaalmarinta tababaraha sannadka ee hablaha.




 




Ugu danbeyn xiddigaha Zlatan Ibrahimovic, Nemanja Matic iyo Neymar ayaa ah seddexda xiddig ee ku tartamaya abaalmarinta FIFA Puskas Award ee goolka ugu fiicnaa sannadkan 2013, halka line-upka adduunka ee Fifa/FIFPro World XI lagu dhawaaqi doono sidoo kale.




 




Waxaana sidoo kale ka marneyn abaalmarin sharafeed FIFA iyo abaalmarinta ciyaar wanaaga.




 




Laacib.net si toos ah oo qoraal ah ayaa idin kula socodsiin doontaa xaflada Ballon d’Or wixii ka danbeeya 8:30pm Saacada Geeska Afrika Insha Allah.