Wershada Sbi Oo Soo Bandhigtay Sharaabka Cusub Ee Coca Cola Zero Iyo Nuxurka Khudbadii Uu Maamulaha Warshadaasi Ka Jeediyey Munaasibadii Lagu Soo Daah Furayey
Wershada (Gobanimonews)14-1-2014 Sharaabka ee Somaliland Beverage Industries(SBI), ayaa shalay soo bandhigay sharaabka bilaa sonkorta ah ee loo tala galay inay isticmaalaan dadka qaba xanuunada macaanka iyo xanuunada kale ee sonkorta.
Munaasibada lagu soo bandhigayey sharaabka bilaa sonkorta ah oo loo bixiyey Coca Cola Zero oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta Wershada Sharaabka ee SBI, macaamiisha shirkadaas iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxa munaasibadan ka hadlay maamulaha warshada sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geelle waxaanu kaga dhawaaqay inay shirkada sharaabka ee SBI ay sanadkan gudihiisa si rasmiya shaaca uga qaaday sharaabka cusub ee COCOLA ZERO waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Munaasibadani waa mid aanu si rasmiya ugu soo bandhigayno bulshada Somaliland iyo Puntland oo sharaabka coca-laha isticmaala, haddii aan ka waramo sharabkan Cocola Zero ilaa sagaal sano ka hor ayaa shirkada Coca Cola ku soo dartay sharaabyada kala duwan ee ay soo saarto sagaalkaas sanadoodna ilaa 109 dal loo iibgeeyey, Somaliland-na maadaama oo aynu nahay shirkadaha ugu cusub ee sameeya sharaabka Coca Cola-ha sanadkan 2014 ayaa si rasmiya ayaanu u soo bandhignay sharaabkan Coca Cola Zero,”
Maamulaha warshada sharaabka ee SBI oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay sharaabkan aad u soo dhaweeyeen dhalinyarada Somaliland iyo Puntland waxaanu tilmaamay inaanay waxba u dhaxayn dhinaca dhadhanka sharaabka ay soo saarto warshada SBI waxaanu yidhi “sharaabka Coca Cola Zero waa sharaab guud ahaan caalamka gaar ahaana dhalinyarada aad u jeclaadeen, dadka cabaana ay u badan yihiin dhalinyarada cuslaatay, waxaanan ka rajaynayaa in Somaliland iyo Puntland-ba in sida caalamka loog jeclaaday sharaabkan ay dhalinyarada joogtaana u jeclaan doonaan dhadhanka sharaabkan, marka xaga dhadhanka la eego ma jiro wax u dhaxeeya sharaabka kale, dhalinyarada firfircoon ee ciyaaraha iyo bood boodka jecel ayaa sharaabkan aad u soo dhaweeyey , waxaanan ka rajaynayaa dhalinyarada guud ahaanba meel kasta oo ay joogaan inay sharaabkan Coca Cola Zero u soo dhawayn doonaan sidii ay u soo dhaweeyeen sharaabka kale ee shirkadu soo saarto.” Ayuu yidhi maamulaha warshada sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geele.
Sidoo kale waxa munaasibadan lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwan oo qalaama rogadka ah, kuwaas oo ay soo bandhigeen dhalinyaro aad u firfircooni.
Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil
Abdiwali1991@gmail.com
Gobanimogroup@gmail.com

