Reer Qorulugud iyo reer Buuhoodle oo isugu baaqaya iskaashi +Odayaasha Qorulugud oo ku hungoobay Xirsi"Warbixin
Hargeysa(GNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha Somaliland Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur , oo ay weheliyaan xubno Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, ayaa Maanta dhagax dhigay waddo Laamiya oo isku xidhi doonta Gobollada Saraar iyo Buuhoodle, taasoo laga bilaabayo deegaanka Wadaamo-goo.
Dhagax dhiga Laamigani ayaa ah rejo iyo reyn reyn wanaagsan u ah Bulshada ku dhaqan deegaamada hoos yimaamada Gobolka Buuhoodle oo ah Dhul balaadhan oo god’oon kaga jira Gobollada kale ee Somaliland.
Dr. Cabdirisaaq oo ka hadlay munaasibadda dhagax dhiga wadadan, ayaa sheegay inuu ku rejo waynyahay in Laamigan la dhamaystiro doono, isla markaana wajigiisa hore isku xidhi doono Degmada Qorulugud iyo Deegaanka Oog ee laga bilaabayo.
“anigoo ka wakiilla Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxaan maanta dhagax dhigayaa wadadan Laamiga ah ee isku xidhi doonta Buuhoodle iyo Gobolka Saraar, waxaanan idinka balanqaadayaa in mar uu wasiirku halkan iman doono oo uu qaybtiisa iyo ta xukuumaddaba ka qaadan doono”ayuu yidhi Dr. Cabdirisaaq.
“Laamigan waxa loo baahanyahay inaad ka wada qayb qaadataan oo aad isu abaabushaan sidii loo dhamayn lahaa”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Degmada Qorulugud ee Mashruucan wajigiisa koowaad lagu jaangooyay, ayaa halka laga bilaabayo u jirta ilaa 50KM oo Hawd ah, waana degmo isugu jirta xoolo dhaqato iyo Magaalooyin yar yar oo tiro badan oo uu hoos yimaada.
Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka mida Mudaneyaasha laga soo doortay Gobolka Buuhoodle, khaasatan degmada Qorulugud oo hormuud ka ah Mashruucan, ayaa shacbiga Gobolka ku dhaqan, Jaaliyaddaha Dibada iyo Ganacsatadaba ugu baaqay inay ka wada qayb-qaataan dhismaha wadadan.
“waxaan leehayay Ganacsatada Hantida faraha badan haysata ee Gobolka u dhalatay iyo Jaaliyaddaba ka soo qayb qaata dhismaha Laamigan, waxaana kula talin lahaa qolada reer Buuhoodle idinkuna dhankiisa ka soo bilaaba Laamiga oo qorulugud soo gaadhsiiya”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “waan in laga wada qayb qaataa mashruucan aynu dhagax dhignay si aynu uga baxno waddooyinka Rafka ah ee ay baabuurteenu maraan”.
Dhinaca kale xubno ka mida Guddida loo xilsaaray dhismaha laamigan oo halkaasi ka hadlay, ayaa balan qaaday inay si daacadnimo iyo hufnaani ku jirto u maamuli doonaan hirgelinta Mashruucan “waxaanu balan qaadaynaa inaanu hawshan naloo dhiibay sideeda uga soo bixi doono, illaahayna waxaan ka baryayaa inuu nagu garab galo oo nagu guuleeyo”ayuu yidhi Nin u hadlay Guddida.
Dhismaha Laamigan la dhagax dhigay ayaa hadii uu sii socdo waajahaya dhul isugu jira Buuralay iyo banaan rafaad badan ay kala kulmi jireen Gaadiidka isaga goosha deegaamada Gobolka iyo Burco.
Gawaadhida ku safra jidkaasi ayaa wakhti dheer u sii socda deegaamada Buuhoodle iyo Qorulugud oo Masaafo ahaan aad u dhaw, hase ahaatee waddo xumaddu kalifayso in habeen loo kala dhaxo.
Dadka ku safra jidkaasi ayaa soo dhaweeyay mashruucan, isla markaana dhamaystirkiisa ku tanaadi doona, iyagoo kaga reysan doona rafaadka iyo raxan raadka socod ee ay kala kulmaan waddada ku xidha Gobollada kale ee waddanka.
Adeegyada Caafimaadka deegaamadan oo aan wanaagsanayn ayaa inta badan dadka ku kelifta in qofka xanuun culusi hayo loo soo qaado cisbitaalada Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, taasoo xiliyada qaar sababtay in dadka buukaanka ahi inta dhexda la soo waddo naftu ka baxdo, waddo xumadda awgeed, sida ay sheegeen dadka deegaanku.
Gobolka Buuhoodle ayaa ka mida Gobollada xoolaha nool looga soo iib-geeyo Sayladda Magaalada Burco oo ah ta ugu weyn Geeska Afrika, waxaanay wadadani faa’ido gaarka u leedahay Isku xidhka Ganacsi iyo Bulsho ee Gobollada Bariga Somaliland.
Xirsi oo ka Dhuuntay inuu soo dhagax dhigo waddadan
Hase ahaatee inkasta oo la dhagax dhigay dhismaha Laamigan isla markaana dadka deegaanku isku tashaadeen inay Laamigan Dhistaan, wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo Dawllada u qaabilsan hawlaha waddooyinka ayaa saaka markii hawshan looga baxayay Burco ka dhuuntay Odayaasha iyo wax-garadka abaabulka hawsha wadda.
Mid ka mida Odayaasha Deegaamada mashruucan ka faa’idaysanaya, ayaa Gobanimonews u sheegay in wasiir Xirsi xalay balan qaaday inuu wadadan soo dhagax dhigi doono, balse uu saaka ka dhuuntay taasoo ay u arkaan inuu ka war-wareegayo ka qayb-qaadasha waddadan.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku sugan Magaalada Burco, isla markaana dhagax dhigay bilihii ugu dambeeyay mashaariic badan oo waddooyin ah, kuwaasoo u jidkanina qayb ka noqon lahaa, hase ahaatee ilaa hada ma cadda sababta uu uga war-wareegayo arrintaasi.
Axmed Muuse Maxamed
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com